Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo isu furaya xuduudaha

Image
Qorshahan oo ay maalgalisay boqortooyadda U.K. ayaa loogu magac daray "Deris Wanaag".

NAIROBI, Kenya - Mashruuc cusub oo ujeedkiisu yahay in dib loo furo xuduudka u dhaxeeya Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo qeyb ahaan ama gebi ahaanba u xirnaa sanadihii u dambeeyay arrimo dhanka ammaanka ah ayaa la daahfuray.

Isagoo ka hadlayay Khamiistii magaalada Mandheera ee xuduudka ku taal, madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sheegay in mashruucan uu horumarin doono horumarka dhaqan-dhaqaale ee ka dhexeeya saddexda dal.

"Horumarka kaabayaasha dhaqaalaha waxaa aamusiya iskahorimaadyada hubeysan, waa in aan aamusinaa qoriga si ay warshaduhu dib ugu gurtaan, waa in aan aamusinaa rabshadaha si loo helo barwaaqo dhaqan-dhaqaale," ayuu yiri.

Qorshahan oo ay maalgalisay U.K. looguna magac daray "Deris Wanaag" ayaa ujeeddadiisu tahay sidii xal waara loogu heli lahaa nabad-gelyo-xumada iyo xasillooni-darrada soo noqnoqda ee dalalka Geeska Afrika.

Inkasta oo meelo kala duwan oo xuduudaha laga soo galo si rasmi ah loo xiray wakhtiyo tobankii sano ee la soo dhaafay, argagixisadda, dembiilayaasha iyo muhaajiriinta caadiga ah ayaa weli ka gudba xuduudaha iyaga oo aan lahayn dhibaato yar.

Sannadkii hore, kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa boqolaal dagaalyahan u dirtay Itoobiya ka hor inta aysan iska-caabin uga imaan ciidamada gobolka.

Dalalkan ayaa waxay sheegeen in ay sirdoon wax uga qaban doonaan sababaha keenay argagixisanimada, isla markaana ay awood dheeri ah gelinayaan xuduudka, si ay u soo qabtaan Al-Shabaab.

Kenya ayaa xirtay xaduuda ay la wadaagto Soomaaliya sanadkii 2012 si ay u hakiso dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. Xiritaanka xudduudaha waxaa ka mid ah barta xadka Mandheera iyo sidoo kale isgoysyada xadka ee Lamu, Wajeer iyo Gaarisa.

Si kastaba ha ahaatee, horaantii sanadkan Kenya ayaa waxay ku dhawaaqday inay dib u furayso xuduuda ay la wadaagto Somalia iyo Ethiopia. Talaabadan waxay cadaadis ka yareysay dad badan kuwaasoo si maalinle ah u adeegsada sababo ganacsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM