Soomaaliya oo cudad horleh u heshay baacsiga Al-Shabaab

Image
Madaxda dalalka dariska la ah ayaa taageeray codsiga Muqdisho ee ah in xayiraada hubka laga qaado.

KAMPALA, Uganda - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysatay in ay taageero horleh ka hesho dalalka dariska ah si ay u baacsato Al-Shabaab kadib markii hogaamiyayaasha ay ku kulmeen caasimada Kampala.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa martigeliyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka KMG ah ee Soomaaliya (Atmis).

Hogaamiyeyaasha oo shirkooda ku adkeeyay ahmiyada soo afjarida howlgalka ATMIS ayaa waxay codsadeen in la kordhiyo taageerada dhaqaale si loo xaqiijiyo kala guur sax ah.

"Dhibaatada Burundi waxaa xaliyay Bariga Afrika. Markaa dhibaatadan, sida aanu maanta uga wada hadalnay, waxaan hubaa inaan xalin karno,” ayuu Yoweri Museveni yiri kadib kulankaas.

ATMIS oo lagu badalay AMISOM sanadkii hore bishii April ayaa waqtigeeda lagu wadaa inuu ku ekaado December 2024, iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu riixay dhimista ciidamada laga bilaabo December 2022 ilaa June 2023.

Ka hor shirka Khamiistii ee madaxda ayaa la isku afgartay in qiimeyn wadajir ah lagu sameeyo xaaladda amniga, qorsheynta iyo isku xirka si loo dhimo waqtiga iyo in Soomaaliya ay u diyaargarowdo sidii ay amniga u qaadi lahayd.

Wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo saaxiibada ATMIS ayaa doonaya in si wadajir ah ay uga baxaan askarta Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan waarida guulaha amni oo la gaaray.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale waxa uu taageero u muujiyey codsiga ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya Soomaaliya ee ahaa in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka.

AU-da ayaa waxay qireen "horumarka Muqdisho ay ka sameysay halbeegyada muhiimka ah ee lagu qeexay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2662".

Soomaaliya ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dhanka hubka ah tan iyo sanadkii 1993-dii markaasoo ay awooda waddanka badankiisa gacanta ugu jirtay hogaamiye kooxeedyadii.

Cunaqabataynta ayaa markii hore lagu bartilmaameedsaday hogaamiye kooxeedyo balse waxaa la bedelay sanadihii dambe si diirada loo saaro argagixisada. Muqdisho waxay doonaysaa gacan xor ah oo ay hubka uga soo iibsato suuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM