Soomaaliya oo magac u bixisay ololaha la dirirka "fikirka xagjirka"
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ah, Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Amniga, sidda laga soo xigtey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.
Kulankan ayaa looga hadlay dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta , shuruucda horutebinta u leh amniga iyo qaadista cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.
"Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah iyo qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool," ayaa lagu yiri bayaanka.
Is-araggan ayaa lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ee WAANO, "taas oo hoos tageysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha"..
"Ra'iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Khawaarijtu ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, iyada oo la diyaarinayo shuruucdii hageysay amniga," ayaa lagu soo xiray qoraalka.
La dagaalanka fikirka xagjirka ayaa qeyb ka ah saddex qeybood ee uu ka kooban yahay dagaalka saddex geesoodka ah ee maamulka Xasan Sheekh doonayo in uu sanadkan kusoo afjaro Al-Shabaab.
Labada waji kale ee gulufka qeybta ka ah ayaa ah furinta dagaalka tooska ah iyo ciribtirka ilaha maaliyadeed ee xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda caalamiga ah ee Al-Qaacida.
GAROWE ONLINE