Sooyaalka cilaaqaadka Soomaaliya iyo Ruushka: Aaran iyo Abaar

Image
Wasiirada arrimaha dibada labada dal ayaa ku kulmay magaalada caasimadda ah ee Moscow.

MOSCOW, Russia - Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac oo ku sugan magaalada Moscow ayaa kulamo la qaatay dhigiisa Ruushka, Sergey Lavrov, sidda ku xusan war-saxaafadeed.

Lavrov ayaa intii uu socdey kulanka waxa uu hoosta ka xariiqay inuu arko fursad uu ku "dib loogu eego" iskaashiga labada dal iyo "in la yeesho wadahadalo kor loogu qaadayo xiriirka laba geesoodka ah".

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal fara ku tiris ah oo Afrikaan ah oo u codeeyay go’aanno ka soo baxay Qaramada Midoobay oo lagu cambaareeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine, uguna baaqay Moscow inay ciidamadeeda kala baxdo.

Ruushka ayaan safaarad ku lahayn magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Danjiraha xukuumadda Moscow u fadhiya Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isku-haya xilka labada safaaradood.

Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti ee hore balse hadda loo yaqaano Ruushka ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir wanaagsan intii u dhaxeysay 60-meeyadii ilaa horraantii 70-meeyadii.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Midowgii Soofiyeeti kadib markii xukuumadda Moscow ay taageertay Itoobiya dagaalkii Ogaadeenya 1977-kii.

Dhanka kale, bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in labada wasiir ay isla soo qaadeen taageerada Ruushka ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Abshir Cumar Huruuse oo booqasho rasmi ah ku tagey magaalada Moscow ee dalka Russia ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa dalkaas Sergey Lavrov oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa Iskaashiga is-qadarinta iyo wax wada qabsiga labada dal," ayay tiri.

Wasiir Abshir ayaa laga soo xigtey: "Waxaan maanta kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Moscow, wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Mudane Sergey Lavrov, waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa".

Sidoo kale, labadda wasiir ayaa, sidda ku cad warka qoraalka ah, waxaa is-aragooda looga hadlay ka qeybta Soomaaliya ee shirka Ruushka iyo Afrika ee dabayaaqada bisha July ka dhacaya magaalada St Petersburg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM