SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedeysay "isku-day marin-habaabin"

Image
Hadalkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu la kulmay Beesha Caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka SSC-Khaatumo oo bayaan soo saarey ayaa maamulka Somaliland waxay ku eedeysay "in uu marin-habaabinayo bulshadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Beesha Caalamka".

Hadalkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu wadahadal fogaan arag ah la yeeshay Beesha Caalamka una sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in xal nabadeed la gaaro.

"Sida ku cad qoraal ka soo baxay maamulka Hargeysa oo lagu soo koobay nuxurka qodobadii ay isla soo qaadeen xubnihii beesha caalamka, dhammaantood waxa ay ahaayeen beentii uu maamulkaasi caadeystay intii uu dagaalka socday mar walba oo loo soo jeediyo in uu ciidankiisa kala boxo gobolka Sool," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka SSC-Khaatumo.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Sida ku cad bayaankooda waxa ay sheegeen in xubnihii beesha caalamka ku wargaliyeen Madaxweynaha maamulka Somaliland in uu ciidamadiisa geeyo deegaanka Oog, balse uu shuruud uga dhigay fulinteeda in ciidamada Puntland ka baxaan magaalada Laascaanood".

"SSC-Khaatumo waxa ay arrintaas u aragtaa mid uu maamulka Somaliland kaga dhuumanayo wajihidda waaqica dhabta ah maadaama dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ogyihiin xaqiiqooyinka jira, ujeedka uu ka leeyahayna ay tahay in uu sii wado dagaalka, dhagahana ka fureysto baaqyada ka soo yeeraya codadka wax-galka ah ee bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ee loogu sheegayo in uu joojiyo xasuuqa shacabka Laascaanood, ciidankiisana geeyo Oog," ayuu ku daray warka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA DHAMEYSTIRAN

SSC-Khaatumo waxa ay ka xun tahay sida wali maamulka Somaliland u wado marin-habaabinta bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka mar walba oo lagula taliyo in ay ciidamadooda duullaanka ah kala baxaan gobolka Sool, taas oo ay ugu dambeysay kulankii ay aaladda fogaan aragga ah kula yeesheen sabtidii qaar ka mid ah dayeeneyaasha arrimaha Soomaaliya.

Sida ku cad qoraal ka soo baxay maamulka Hargeysa oo lagu soo koobay nuxurka qodobadii ay isla soo qaadeen xubnihii beesha caalamka, dhammaantood waxa ay ahaayeen beentii uu maamulkaasi caadeystay intii uu dagaalka socday mar walba oo loo soo jeediyo in uu ciidankiisa kala boxo gobolka Sool. Sida ku cad bayaankooda waxa ay sheegeen in xubnihii beesha caalamka ku wargaliyeen Madaxweynaha maamulka Somaliland in uu ciidamadiisa geeyo deegaanka Oog, balse uu shuruud uga dhigay fulinteeda in ciidamada Puntland ka baxaan magaalada Laascaanood.

SSC-Khaatumo waxa ay arrintaas u aragtaa mid uu maamulka Somaliland kaga dhuumanayo wajihidda waaqica dhabta ah maadaama dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ogyihiin xaqiiqooyinka jira, ujeedka uu ka leeyahayna ay tahay in uu sii wado dagaalka, dhagahana ka fureysto baaqyada ka soo yeeraya codadka wax-galka ah ee bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ee loogu sheegayo in uu joojiyo xasuuqa shacabka Laascaanood, ciidankiisana geeyo Oog.

SSC-Khaatumo waxa ay markale ku celineysaa in aysan jirin ciidamo Puntland ka tirsan oo ka dagaalamaya Laascaanood, waxaana magaalada iyo deegaankaba difaacanaya dadkii lahaa.

Ugu dambeyn, SSC-Khaatumo waxa ay beesha caalamka uga mahadcelineysaa dadaallada joogtada ah ee ay ku bixinayaan sidii Muuse Biixi u joojin lahaa xasuuqa shacabka SSC- Khaatumo, waxaana markale ugu baaqeynaa maamulka Somaliland in ay ciidankooda kala baxaan Gobolka Sool oo ay geeyaan Oog.


Laascaanood ayaa colaad ay ku naf-waayeen in ka badan 200 ruux waxay ka dhacayaan dhowrkii bilood lasoo dhaafay. Qaramada Midoobay iyo hay'adaha samafalka waxay xuseen in tirro ka badan 80,000 ay barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM