Talaabo loo qaadey soo celinta Soomaalida ku go'doosan Sudan

Image
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in diblumaasiyiin u kala ditey labo magaalo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), ayaa sheegay in tobanaan Soomaali ah oo ka soo qaxay Khartoum ay tan iyo Axadii ka gudbeen xuduudka dalalka Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.

Jaamac oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa xusay in 90 qof oo Soomaali ah oo ay ku jiraan sagaal dumar ah ay u gaareen dalka Koonfurta Suudaan.

Sidda laga soo xigtey wasiirka, 51 Soomaali ah ayaa galay Itoobiya subaxnimadii Isniinta gaar ahan magaalada xuduudka ku taal ee Metema; 19 kale ayaa halkaas gaaray galabnimadii.

Diblumaasiyiin la diray

Huruuse oo sii hadlaya ayaa intaa ku daray in uu rajaynayo in inta badan Soomaalida ka soo qaxaysa Suudaan ay Metema u isticmaali doonaan meel ay ka galaan Itoobiya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online, waxay diblomaasiyiin u dirtay Metema (Itoobiya) iyo Gallabat (Sudan) si ay u caawiyaan Soomaalida.

"Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidoo kale waxay hubinaysa xogta ku saabsan in 20 qof oo Soomaali ah laga yaabo in ay ka soo galeen dalka Suudaan dhanka Eritrea," ayaa laga soo xigtey illo ku dhow xukuumadda Muqdisho.

Gaabiska kaalinta dowlada

Hadalka wasiirka ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli Soomaalida kasoo cararaysa Suudaan ay cabasho ka muujiyeen gaabis ay ka qabaan taageeradda dowladda federaalka gaar ahaan dhinaca sahayda iyo dhanka maaliyadda.

Ardayda Soomaaliyeed ee gaaray magaaladda Al-Qadarif ayaa soo wariyay in ay la daalaa-dhacayaan dhibaato dhinaca dhaqaalaha ayna doonayaan in ay helaan taakulo maaliyadeed.

Cabdalle Muuse Ibraahim, oo wax ka barta Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee Khartoum, ayaa tibaaxay in waxyaabaha daruuriga ah ay qaali noqdeen. Xafiis xawaaladaha ah oo lacag loogu soo dir lahaa ayuu xusay in ay xiran yihiin.

Sahay iyo dhaqaale la'aan

"Kharashka guryaha iyo nolosha aad bay qaali u yihiin," ayuu hadalkiisa kusii daray. "Ardayda halkan la timid lacagta jeebka waxay ku dhammaan doontaa lacagtu toddobaad gudihiisa".

Caasha Idiris Xasan oo iyana ka mid ah ardaydii ka soo qaxday magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa ka shanqarisay in ay dhibaato la mid ah kala kulantay Khartoum. "Biyo la'aan, hoy la'aan, iyo xawaalad la'aan," ayay kusoo koobtey.

Caasha Cali Cabdi oo ah hooyo ilmo haysata oo ka soo qaxday magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa ka dhawaajisay in ay qol oo goglan balse aan lahayn biyo, koronto iyo madbakh looga kireyn gaarey aduun lacag dhan 30 doolar maalintii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM