Tirada ciidanka Mareykanka ee jooga Soomaaliya oo la kordhiyey

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa kamid ah dadka u ololaynaya in Washington sii joogto Muqdisho.

WASHINGTON, USA - Tiradda ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa la gaarsiiyey 900 askari xilli ay horey u ahayd 450 askari, sidda ay warisay The Grayzone oo soo xiganaysa mas'uul sarre.

Warbixintan ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan Aqalka Sare ee baarlamaanka Mareykanka uu u codeeyay in askarta Ameerikaanka ah ay baaqi kusii ahaadaan sababo ku aadan dagaalka Al-Shabaab.

Mooshinkaas waxaa gadaal ka riixayay Xildhibaan Matt Gaetz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Qaraarka mudanaha waxa uu ku doodayaan in Washington aysan ugu sii jirin joogitaanka Muqdisho.

Qaraarka ayaa sidoo kale waxa uu soo jeedinayay in howlgalada Mareykanka Soomaaliya lagu soo koobo duqeymo dhanka cirka ah oo ay fulinayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.

Gaetz iyo xubnihii ka qayb qaatay go’aanka ka bixitaanka Soomaaliya ayaa dhamaantood ahaa Jamhuuriya. 52 Jamhuuri iyo 50 Dimuqraadi ah ayaa u codeeyay in meesha laga saaro, halka 165 Jamhuuri ah iyo 156 Dimuqraadi ah ay u codeeyeen maya. (12 xildhibaan ma codayn).

Sida laga soo xigtey The Grayzone, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa si weyn waxay ugu ololeynayeen in askarta Ameerikaanka sii joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u kordhiyay duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waxa uu Soomaaliya ka saarey ku dhawaad ​​700 oo askari oo Maraykan ah December 2020.

May 16, 2022, maalin ka dib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed dib loo doortay, madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixay soo jeedinta Pentagon-ka ee ah in dib loo soo celiyo ciidamada iyo in la dhiso "joogitaanka joogtada ah ee yar."

Washington ayaa kaalin weyn waxay ku leedahay la dagaalanka meleyshiyaadka Al-Shabaab kuwaasoo haatan wajahaya mid kamid ah howlgaladii ugu balaarnaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan waxay diyaarinaysaa wajiga labaad ee gulufkan kaasoo la filayo in uu diiraddo saaro gobolada Jubooyinka iyo Koonfur Galbeed halkaasoo kooxda saameyn weyn ku leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM