Tirada ciidanka Uganda ee AS ku qabatay weerarkii Buulo Mareer

Image
Cutubyada ka tirsan ATMIS ayaa lagu waramayaa in aysan wali ku laaban xerada ay baneeyeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Uganda ee ka tirsan howlgalka ATMIS ayaan weli ku soo laaban saldhigga Buulo Mareer. Al-Shabaab ayaa halkaas ku sugnaa tan iyo shalay, sidda ay xaqiijiyeen illo degaanka ah.

Muuqaalka ay baahisay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida oo la sheegay in shalay laga soo duubay xeraddaas ayaa muujinayay meydadka qaarkood oo yaala gudaha iyo afaafka hore ee saldhiga.

Taliska ciidamadda Uganda iyo howlgalka ATMIS ayaan wali soo saarin tirokoobka rasmiga ah ee khasaaraha oo faahfaahsan. Isku-dayo xiriir lala sameeyay ayaa illaa haatan guuleysan.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Sareeye Guuto Felix Kulaigye, ayaa warbaahinta caalamka waxa uu u xaqiijiyay in ciidan gaaraya 221 askari ay ku sugnaayeen saldhiga markii la weeraray 26-kii May.

Illo-wareedyo ayaa caddeeyay maalintii uu weerarka dhacay ee 26-ka May, in tiro u dhaxaysa 100 ilaa 120 askari ay kasoo baxeen saldhig kale oo ciidamada Uganda ku leeyihiin tuulada Golweyn oo qiyaastii 7-KM dhanka bari kaga beegan Buulo Mareer. Ilaa tobaneeyo askari ayaa lagu soo waramayaa in 27-kii bishan ay gaareen deegaanka Golweyn.

Sida uu sheegay Kulaigye, qaar ka mid ah askartooda ayaa Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen kadib weerarka balse ma uusan dooneyn inuu qiyaaso tirada. Balse ilo-wareedyo ayaa rumeysan in ugu yaraan 3 askari laga yaabo in la qabtay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dileen 137 askari. Isaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, ninka saddexaad ugu sareeya kooxda Mahad Karate ayaa dhankiisa wariyey dilka in ka badan 200.

Balse Kulaigye ayaa sheegay in Al-Shabaab ay buunbuuniyeen tirada. Sidee buu weerarkani u saameyn karaa howlgallada ciidanka Uganda ee Soomaaliya? Kulaigye waxa uu xusay in ay dhiiranaan kasii qaadayaan askarta.

"Waxay na siinaysaa go'aan dheeri ah si aan uga hortagno cadowga nabada Soomaaliya," ayuu hadalkiisa sii raaciyey. "Waxay la kulmi doonan cawaaqibka weerarkaas. Ma jiro qof weerara UPDF oo si xor ah u taga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM