Tirada dadka u dhintey abaarta Soomaaliya oo lasoo bandhigay

Image
Jannaayo ilaa Juunyo ee sanadkan ayaa laga digay in 135 qof maalintii u dhiman karaan abaar aawadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa la qiyaasay in sanadkii hore ay ku dhinteen 43,000 qof, sidda lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saareen dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Warbixinta oo la sii daayay Isniintii ayaa lagu sheegay in kala bar dhimashada abaarta la xiriirta laga yaabo inay ku dhacday carruurta ay da'doodu ka yar tahay 5 sano jir.

Geerida ugu badan ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinta, waxaa la wariyay in ay ka dhacdey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobollada Bay, Bakool iyo Banaadir.

Goboladan ayaa haatan ah xuddunta abaarta hadda, sida lagu sheegay warbixinta oo ku saleysan tirokoob la sameeyay intii u dhaxeysay Janaayo ilaa Disembar 2022.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, iyo labo hay’adood oo Qaramada Midoobay ka tirsan kuwaasoo kala ah Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO iyo Hay'adda caruurta ee UNICEF ayaa soo saaray warbixinta.

Warbixintu oo ka digtay in xaaladda abaartu aysan dhammaan ayaa saadaalineysa in laga bilaabo Jannaayo ilaa Juunyo ee sanadkan ay 135 qof maalintii u geeriyoodey abaar aawadeed.

"Hase ahaatee, nasiib wanaag waxaa laga yaabaa in wadarta guud ee dhimashada ay hoos uga dhici doonto inta u dhaxaysa 18,100 iyo 34,200 inta lagu jiro muddadan," ayaa la raaciyey warbixinta.

Hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolada kala duwan ee Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in abaaraha ka jira dalka ay saameeyeen 7.8 milyan oo qof, waxaana lagu eedeeyay dhimashada 3.5 milyan oo xoolo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM