Tirada guud ciidanka ATMIS ee lagu dilay Soomaaliya oo la shaaciyey
MUQDISHO, Soomaaliya - Kumanaan ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu dilay Soomaaliya, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii howlgalka uu bilowdey horaantii sannadkii 2007-dii, sida uu VOA-da u sheegay madaxa taliska ATMIS.
Ciidamada nabad ilaalinta ayaa waajibaadkooda ugu horeeyay wuxuu ahaa in ay ilaaliyaan xarumaha dowladda iyo ka hortagida weeraradda maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Mohamed El-Amine Souef, oo ah ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca kusoo bandhigay wareysi uu siiyey Barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.
"Ciidanku si wanaagsan uma diyaarsanayn, maamulkuna xataa Muqdisho ma joogin, kiisas badan si sax ah looma diiwaangelin," ayuu Souef ku yiri nuqul kamid ah wareysiga.
Souef ayaa si rasmi ah waxa uu u xaqiijiyay in tirada dhimashadda ATMIS lagu qiyaasay ku dhowaad 3,500. Ciidamada wadamadda Burundi iyo Uganda ayuu tibaaxay in ay soo gaareen waxyeeladda ugu badan.
Waa markii ugu horeysay oo sarkaal ka tirsan ururka Midowga Afrika uu si cad uga hadlo khasaaraha guud ee ciidamada nabad ilaalinta ee ka howlgala Soomaaliya.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo markii horey loo yaqiinay AMISOM balse dhowaan loo badalay ATMIS ayaa ah cutubyadiisii ugu horeysay waxay Muqdisho ka dageen 2007-dii.
"Howlgalka waxa uu diiwaangeliyay ku dhawaad 4,000 oo dhaawac ah. Sida laga soo xigtay saraakiishii ciidamada ee howlgalka ka soo qeybgashay, dhaawacyada, oo ay ku jiraan kuwa naafada ah, waxay gaari karaan in ka badan 5,000," ayuu Souef ku daray.
ATMIS waxaa hadda Soomaaliya ka jooga ilaa 19,000 oo nabad ilaalin ah. Bishii Abriil 2022 ayaa la go'aamiyey in ay dalka ka baxaan bisha December sanadka 2024 ayna dowladda federaalka Soomaaliya ay la wareegto mas'uuliyadda ammaanka iyo degaanada xorta ah.
GAROWE ONLINE