Tirada shilalka diyaaradaha dunida ka dhacay 2022 oo la shaaciyey
ANKARA, Turkey - Tirada shilalka diyaaradaha ee ka dhacay adduunka ayaa hoos u dhacay 2022-kii marka loo eego sanadkii hore, sidda uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA).
Warbixinta sanadlaha ah ee IATA ayaa sidoo kale waxay muujisay hoos u dhac ku yimid halista dhimashada shantii sano ugu dambeysay laga bilaabo 2018 illaa 2022.
Sidda laga soo xigtey warbixinta, kaliya shan shil ayaa sababay waxyeeladda ugu badan ee khasaaraha nolosha rakaabka iyo xubnaha shaqaalaha ee dhacay sanadkii hore.
"Todoba darajo ayay ka hooseysaa marka loo eego sanadkii kasii horeeyay 2021. Horumarada la sameeyay waxay u dhaxeysaa shan dhibco cel-celis ahaan," ayay tiri IATA oo fadhigeedu yahay Geneva.
Hal shirkad oo kamdi ah xubnaha ka ah IATA ayaa, sidda ku xusan qormadda hay'addan caalamiga ah, waxay kaliya ku lug-yeelatay hal shil kaasoo sababay 19 dhimasho ah.
"Shilalka waa naadir duulimaadyada. Waxaa jiray shan shil oo dhimasho ah oo ka mid ah 32.2 milyan oo duulimaad sanadkii 2022," ayuu yiri agaasimaha guud ee ururka Willie Walsh.
"Taasi waxay noo sheegaysaa in duullimaadyadu ay ka mid yihiin hawlaha ugu ammaansan ee uu qofku ku hawlgeli karo. Laakiin inkasta oo khatarta duullimaadyadu ay aad u hoosayso, maaha khatar," ayuu ku daray.
Dhanka kale, IATA ayaa sidoo kale waxay hoosta ka xariiqdey in inkastoo ay hoos u dhaceen tirada shilalka dhimashada, tirada dhimashadu waxay kor u kacday - 121 sanadkii 2021 ilaa 158 sanadka 2022.
GAROWE ONLINE