Turkiga oo lagu amray in uu $1.4 bilyan magdhow ah siiyo Ciraaq
ANKARA, Turkey - Maxkamad caalami ah dhexdhexaadin ah ayaa go'aan ka gaartay khilaaf muddo soo jiitamayay oo Turkiga kala dhexeeya dowladda Ciraaq oo ku saabsanaa dhoofinta saliida ceyriinka ah ee laga dhoofiyo ismaamulka Kurdistan, sidda ay laba illo wareed ay kasoo xigatay Majaladda Middle East Eye.
Wasaaradda Batroolka ee Ciraaq ayaa bayaan gaar ah oo ay soo saartay waxay ku soo dhaweysay xukunka ka soo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Xalinta Khilaafaadka ee soo baxay Khamiista, iyadoo sheegtay in xukunka uu xaqiijiyay in shirkadda shidaalka qaranka Ciraaq ee SOMO ay tahay cidda kaliya ee loo oggolaaday inay maamusho hawlaha dhoofinta saliidda dekedda Ceyhan ee Turkiga.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay ka wadahadli doonaan hababka shidaalka Ciraaq looga dhoofin karo dekedda Ceyhan, iyadoo labada dhinac ay kala hadli doonaan dowladda Turkiga iyo maamulka Kurdistan ee Ciraaq, si loo dammaanad qaado sii socoshada shixnadaha.
Ciraaq waxay dacwaysay Turkiga ku dhawaad sagaal sano ka hor kadib heshiis shidaal oo dhexmaray Ankara iyo Erbil oo khuseeya dhoofinta dhuumaha Kirkuk-Ceyhan.
Xukuumadda Baqdaad waxa ay ku adkaysanaysay sanado in gobolka Kurdistan ee Ciraaq aanu lahayn wax awood ah oo uu ku sameeyo dhoofinta tamarta iyada oo aan ogolaansho laga helin Baqdaad.
Mid ka mid ah illo wareedyadda ayaa MEE u sheegay in mas’uuliyiinta Ciraaq ay Turkiga ka dalbadeen $33 bilyan magdhow ah, balse aysan heli karin lacagtaas laguna xukumay Turkiga in uu Ciraaq siiyo $1.4 bilyan.
Maxkamadda federaalka Ciraaq ayaa sidoo kale waxay xukuntay sannadkii lasoo dhaafay in sharciga lagu maamulayo warshadaha saliidda ee Kurdistan ee Ciraaq uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka waddankaas, waxayna ka dalbatay maamulka Kurdiyiinta inay ku wareejiyaan sahaydooda cayriinka ah.
In ka badan hal milyan oo fuusto maalintii, qiyaastii boqolkiiba hal sahayda caalamiga ah, ayaa soo maray marinka Ceyhan bishii Jannaayo, sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay majaladda ka faalloota arrimaha shidaalka ee Bloomberg taasoo caddeysay in macluumaadkan ay ka heshay illo wareedyo la aamini karo.
GAROWE ONLINE