USA: Lamaane loo ugaarsanayo dil uu geystay wiilkooda

Image
Afar qof ayaa la xaqiijiyey in ayku dhinteen toddobona waa ay ku dhaawacmeen toogashada Talaadadii.

WASHINGTON, USA - Xeer-ilaalinta Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogtay waalidiinta tuhmane looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay iskuul ku yaalla Michigan "halkaasoo dil bareer ah uu ka geystay".

Maamulka ayaa shaaciyey in ay baxsadeen James iyo Jennifer Crumbley, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay iska indhatireen calaamadaha digniinta ka hor inta uusan dhicin weerarka.

Ethan Crumbley, oo 15 jir ah, ayaa lagu eedeeyay in uu qoriga aabihiis ku toogtay arday ay isku fasal ahaayeen Oxford, oo qiyaastii 35 mayl (60 km) waqooyi kaga beegan Detroit, toddobaadkan.

Waxa uu iska diiday eedeymo dhowr ah oo ay ku jirto argagixisanimo. James iyo Jennifer Crumbley ayaa wajahaya min afar dacwadood. Qoyskan wali si rasmi ah uga jawaabin eedeynta.

Maamulka gobolka Oakland ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in ay hadda baadi goob ugu jiraan labadan qof kadib markii qareenada Crumbleys ay u suurtageli weysay in ay ku helaan taleefoon.

"Haddii ay u maleynayaan inay baxayaan, maya," Sheriff County Oakland Michael Bouchard ayaa u sheegay telefishinka afka dheer ee CNN kaasoo aad uga waramaya dhacdadaas.

Bouchard oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas ku daray in tiro ka mid ah Baarayaashiisa, FBI-da iyo Adeegga Marshals-ka Mareykanka ay baadi goobayeen lamaanaha.

Laakiin qoraal ay si wadajir ah kana soo baxay qareennada Shannon Smith iyo Mariell Lehman ayaa waxay ku sheegeen in Crumbleys "aysan ka baxsanayn sharci fulinta" oo ay ka baxeen magaalada habeenkii toogashada "nabadgelyadooda awgeed".

Garyaqaanadda oo bayaankooda saxaafadda la wadaagay ayaa xusay in labada qof ay ku soo laaban doonaan dacwadooda, taasoo la filayo inay dhacdo Jimcaha dambe waqtiga Mareykanka.

Afar qof ayaa la xaqiijiyey in ayku dhinteen toddobona waa ay ku dhaawacmeen toogashada Talaadadii. Dhibanayaasha ayaa kala ahaa Tate Myre, 16, Madisyn Baldwin, 17, Hana St Juliana, 14, iyo Justin Shilling, 17.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM