Waa kuma 21-jirka dusiyey sirta Mareykanka ee gilgishay dunida?
WASHINGTON, USA - Ciidamada sirdoonka gudaha Mareykanka ee FBI-da ayaa gacanta kusoo dhigay wiil si weyn loo tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay faafinta dukumiintiyada waaxda difaaca Ameerika ee asbuucan qabsadey warbaahinta caalamka.
Jack Douglas Teixeira ayaa laga soo xiray gurigiisa oo ku yaalla magaaladda North Dighton gobolka Massachusetts. 21-sano jirkan ayaa lagu waddaa in uu isla maanta kasoo muuqdo maxkamadda si uu u wajaho dacwadaha iyo eedeymaha loo haysto.
Dacwadaha illaa haatan lagu soo oogay oo ku xusan Xeerka Basaasnimadda ayaa waxa uu ku muteysan karaan xukun xabsi oo gaaraya tobban sano oo xarig ah, sida uu xusay Brandon Van Grack, xeer-ilaaliyihii hore amniga qaranka ee waaxda cadaalada.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykana ee loo yaqaano Pentagon-ka, Patrick Ryder, ayaa carabka ku adkeeyay in faafinta macluumaadka sirta ah ay ahayd "fal dambiyeed ula kac ah".
Ryder ayaa waxa uu intaa ku daray in Pentagon-ku ay qaadeen tallaabooyin ay ku eegayaan liisaska dadka sii qeybiyey xogta iyo in la hubiyo in shakhsiyaadka illaa haatan ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan macluumaadkan xasaasiga ah.
Waa kuma Jack Douglas Teixeira?
Teixeira ayaa dugsiga sare ka qalin-jabiyay 2020-kii. Sannad ka hor waxa uu isku qoray Ilaalada Ciidanka Cirka ee Massachusetts - oo kayd u ah Ciidanka Cirka ee Maraykanka - isaga oo ku biiray Garabka Sirdoonka 102-aad.
Bishii Luulyo la soo dhaafay sanadkan aan ku guda jirno ee 2023-ka ayaa loo dalacsiiyey darajada 1aad ee Airman - oo ah jago yar - wuxuuna saldhigiisu ahaa Otis Air Guard Base ee galbeedka Jaziiradda Cape Cod.
Sidda laga soo xigtey The Guardian oo soo xigatay illo wareedyo, Teixeira waa "khabiir IT oo ku taqasusay nidaamyada amniga internet-ka" waxa uu ciidanka u qaabilsanaa shabakadaha isgaarsiinta militariga, oo ay ku jiraan fiilooyinka iyo xarumaha.
Aabihiis ayaa shaqada ciidanimadda waxa uu ka fadhiistay kadib 34 sano oo uu ku guda jiray, sidda ay ku warantey majaladda Washington Post. Hooyadii waxay hore uga shaqeysay hay'addo NGO ah oo taakuleeya halyeeyadda ciidamadda Mareykanka.
Diiwaanka Mr Teixeira ayaan muujin in uu horey uga soo qeyb-qaatay howlgalo dibadda ah. Xerada uu ka shaqeynayay ayaa kamid ah meelaha ay mamnuuca ka tahay in lala galo nooc walba agab ah oo wax lagu basaasi karo sidda telefoonka gacanta.
Tilmaamaha fududeeyay in lasoo qabto
Teixeira ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa horjoogaha koox isugu jira dhalinyaro iyo dad waaweyn kuwaasoo kuwada sheekeysta qol ay ku leeyihiin app-ka Discord kaasoo xogta lagu soo faafiyo ay bilaabatay dhamaadkii sanadkii hore ilaa March.
Kooxdan lagu magacaabo Thug Shaker Central, oo ka kooban 20 ilaa 30, ayaa aad u xiiseeya arrimaha milayariga gaar ahaan qoryaha, qalabka ciidamadda iyo ciyaar-gacmeedka. Luuqadda cunsuriyaddu waxay ahayd sifada guud ee kooxda.
Majaladda The Guardian ayaa daabacdey in tilmaamaha fududeeyo in lasoo xiro Teixeira ay kamid tahay nooca miiska jikada iyo sagxadaha dhulka guriga uu degan yahay kuwaasoo lagu arkay qolka uu soo dhigay sawirada dukumiintiyadda.
Isagoo ka hadlayay Ireland, Joe Biden ayaa isku-dayay in uu hoos-u-dhigo qaddiyadan. "Kama walaacsana dusinta," ayaa yiri. "Waxaan ka walaacsanahay inay dhacday. Laakiin ma jiraan wax la mid ah oo aan ka warqabo taasi waa natiijo weyn".
Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga Marjorie Taylor Greene ayaa Teixeira wuxuu ku qeexay geesi garabka midig ah, isagoo ku qoraya Twitter, "Jake Teixeira waa caddaan, lab, Masiixi, iyo dagaal-diide. Taasi waxay ka dhigeysaa inuu cadow u yahay nidaamka Joe Biden".
GAROWE ONLINE