Wajiga labaad ee gulufka Al-Shabaab: Dhaliilaha iyo falcelinta dowladda
MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha ciidamadda Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in wajiga labaad ee guluska ka dhanka ah Al-Shabaab uu bilaaban doonaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Balse u diyaar garowga wajiga labaad ee howlgaladan ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka degaanka ayaa la kulmay dhaleecayn ka hor inta uusan si rasmi ah u bilaaban.
Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa sheegay in wajiga labaad ee howlgalada uu kaalinta hogaaminta siinayo dowladda isla markaana uu meesha ka saarayo Macawiisleyda "oo laf dhabar u ahaa guusha laga gaaray wejiga koowaad".
Sanbaloolshe ayaa VOA u sheegay in dadka degaanka ay aad uga warqabaan duulaanka cusub. Wuxuu ku andacoonayaa in dowladdu ay hoos u dhigayso muhiimada beelaha, deegaanka iyo dowlad goboleedyada.
"Soomaalida oo dhan ayaa daneyneysay, waxaa qayb ka ahaa gulufkii hore - xubnaha baarlamaanka, odayaasha beelaha, ganacsatada, bulshada rayidka ah, qurba-joogta," ayuu yiri.
Xildhibaanka ka tirsan Aqalka Hoose ayaa intaas waxa uu ku daray: "Ka qaybqaadashada beelaha [wajiga labaad ee howlgalada] waa mid hooseeya; waxay u muuqataa inay ku kooban tahay dowladda".
Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku gacan seyray dhaliilaha loo jeedinayo ee ah in dowladdu aysan qiimeynin doorka dadka deegaanka.
"Dagaalkan waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, waana run in guulo laga gaaray iskaashiga shacabka,” ayuu yiri. "Deegaan kasta oo la xoreynayo, dadkiisa waa lagala tashan doonaa, waana la ogeysiin doonaa".
Nuur waxa uu ku adkeystay in inta badan dadka deegaanka aysan u baahneyn in dowladda ay ku soo wargeliso howlgaladda ciidamada "maxaa yeelay iyaga ayaaba diyaar ah oo taageero dalbanaya".
Wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sawir waxa uu ka bixinayaa haddii uu hirgeli doono damaca maamulka Xasan Sheekh ee ah in sanadkan 2023 uu ka takhaluso xoogaga hubeysan.
GAROWE ONLINE