Weerarka dukaanka Boosaaso: Sida uu u dhacay iyo cidda geysatay
GAROWE, Puntland - Warar dheeraad ah oo laga helayo sidda dabka ku qabsadey dukaanka weyn Al-Macruuf ee magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay ka dambeeyeen dabley ku hubeysaneyd bambooyinka gacanta.
Dableyda ayaa marka hore toogtay waardiyihii xarunta oo lagu magacaabi jiray, Maxamuud Guursade, kadibna gudaha ku tuuray labo bamb-gacmeed taasi oo sababtay ka gaystay khasaare baaxad leh.
Shaqaalihii xarunta oo ka hortagayay in bilaliqo ayaa xiray albaabadii xarunta iyada oo uu gudaha dab ka holcayo taasi oo keentay in dadkii gudaha ku jiray ay halis galaan wallow markii dambe ay fureen.
Khasaaraha maaliyadeed
Xogta ayaa intaas ku daraysa in gabi ahaan magaalada Boosaso laga waayay dab-damis u diyaarsan daminta dabkaan baaxada lahaa, kaas oo dad xogogaal ah sheegeen in la badbaadin karey hadii ay jiri lahayd awood dhinaca maamulka Dowladda Hoose ah.
Dabka ayaa gebi ahaanba baabi'iyay goobtan loo tukaameysi tago iyada oo uu dhismahan ahaa mehradda ugu wayn ee laga dukaamaysto ee ku yaala guud ahaan Puntland.
Khasaaraha hordhaca ah ee illaa waqti-xaadirkan la diiwaan-geliyay ayaa gaaraya hal milyan iyo bar dollar, sidda illo wareedyo ku dhow maamulka xaruntan ay u sheegeen warsidaha Garowe Online.
Cidda geysatay iyo sababta
Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxaha argagixiso ay weerarka ka danbeeyeen inkasta oo uusan faahfaahin dheeri ah bixin.
"Waxaan u malaynaa iney yihiin kooxda ISIS oo saldhigyo ku leh gobolka Bari," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha amniga gobolka barri oo diidey magaciisa loo adeegsado agabka warfidiyeenka.
Dhinaca kale, warsidaha Garowe Online ayaa wuxuu fahansan yahay in weerarkan uu la xiriiro lacagaha baada ah oo kooxdaan ka qaado ganacsatadda magaalada dekadda leh ee Boosaso.
Macluumaad ayaa tibaaxaya in kor-u-kac uu ku yimid ololaha kooxaha argagixisada ah uga qaadanayaan lacago baad ah taas oo dowlada Siciid Cabdullaahi Deni aysan waxba ka qaban bilihii ugu dambeeyey.
Gaabiska xukuumada Deni
"Waxaan oran karaa gabi ahaan waxaa joogsadey dagaalkii xukuumada Dani kula jirtey kooxaha argagixisada ah ee ka howgala degaanada Puntland," ayuu xaqiijiyey sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka amniga Puntland.
Kadib markii kooxaha argagixada ah ay cadaadis dagaal iyo mid cunaqabateyn dhaqaale kala soo kulmeen gobolada koonfurta Soomaaliya, waxay kor u qaadeen dhaqfhqaaqyada Puntland gaar ahaan dhinaca ururinta dakhliga.
Xukuumada Saciid Cabdullaahi Dani oo olole siyaasadeed ugu jirta kororsiimo muddo xileed sharci darro ah ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay dayacdey shaqooyinkii loo igmadey waxayna ku mashquushay sidii xilka usii hayn lahayd.
GAROWE ONLINE