WHO oo shaacisay tiradda dadka ku dhintey colaadda Suudaan

Image
Colaadda Suudaan ayaa waxaa isku haya ciidamo iska soo horjeeda oo kala taabacsan labo jeneraal.

KHARTUUM, Suudaan - Ugu yaraan 866 qof ayaa ku dhintay 6,083 kalena waa ay ku dhaawacmeen dalka Suudaan tan iyo markii ay isku dhaceen ciidamada dalkaas iyo koox awood xoog leh oo ka soo horjeeda, sida ay sheegtay WHO.

Xogta ay faafisay hay'adda caafimaadka aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa waxaa lagu waramay in ay uruurisay wasaaradda caafimaadka Suudaan tan iyo 6-dii Juun.

Afhayeenka WHO, Carla Drysdale, ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay saxaafadda u sheegtay in Khartoum ay ku dhinteen 320 qof halka 3,508 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sida laga soo xigtay WHO, 4.7 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini'aadannimo waxayna hay'addu si gaar ah uga walaacsan tahay carruurta iyo haweenka uurka leh, iyo hooyooyinka nuujinaya.

Drysdale waxay intaas ku dartay in in ka badan 100,000 oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano ay soo food saartay khatar aad u daran oo nafaqo-darro ah oo u keeni karta dhibaatooyin caafimaad.

Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasay tan iyo markii ay isku dhaceen ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah (RSF) 15-kii Abriil, in ka badan 1.4 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha Suudaan.

Dalka ku yaalla Geeska qaaradda Afrika waxa uu hore ula tacaalayay 3.7 milyan oo qof oo ku barokacay galbeedka gobolka Darfur ka hor inta aanay colaaddu qarxin.

Colaadda Suudaan ayaa waxaa isku haya ciidamo daacad u ah Gen. Abdel Fattah al-Burhan, oo ah taliyaha guud, iyo maleeshiyada RSF ee uu hogaamiyo Mohammed Hamdan Daglo, oo loo yaqaan Hemedti.

Hemedti waxa uu taageeray al-Burhan bishii Oktoobar 2021 markii uu jeneraalku la wareegay talada golaha sare ee Sudan tan iyo markii xukunka laga tuuray keligii taliye Cumar Al-Bashiir 2019-kii.

Laakin xiisada soo jireenka ah ee u dhaxeysa ciidamada caadiga ah iyo kuwa RSF-ta ayaa waxay isku-badashay dagaal furan oo fool ka fool ah iyadoo laga doodayay dib u habeynta ciidamada si loo dedejiyo soo celinta xukunka rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM