Costa Rica oo xirtey "wiil uu dhalay horjooge ka tirsan Al-Shabaab"

Image
Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka dalkan ayaa sheegtey in Luqmaan Warsame Faarax ay kusoo celin doonan Soomaaliya.

SAN JOSE, Costa Rica - Mas’uuliyiinta Costa Rica ayaa xabsiga u taxaabay kadibna masaafuriyay Luqmaan Warsame Faarax oo ah wiilka ugu weyn ee uu dhalay horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab, sidda laga soo xigtey warsidaha The Tico Times.

Luqman ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinta, waxaa laga soo qabtey hotel isagoo isticmaalaya aqoonsiyo been abuur ah iyo baasaboor Swedish ah oo qof kale leeyahay.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Costa Rica (DIS) ayaa Luqmaan markii hore waxay u tarxiishay waddanka Guatemala hase ahaatee waxaa dib loogu soo celiyey isla dalkaas.

The Tico Times ayaa warisay in FBI-da ay ka digtay bishii Febraayo, 2023 suurtagalnimada in xubin ka tirsan Al-Shabaab uu joogo dalkaas Costa Rica isla markaana Luqmaan uu ku jiro liiska dadka ay FBI-da raadineyso.

Saraakiil ka tirsan DIS ayaa shaaca ka qaaday in Luqmaan uu galay Costa Rica Janaayo 4, 2023, isagoo isticmaalaya baasaboor Swedish ah oo loogu magac ah Luqmaan Warsame Faarax.

"Waxa uu dalka joogay muddo bil ah ka hor inta aanu ka tagin marin xuduudeed oo aan caadi ahayn oo u socda Nicaragua," ayuu hadalkiisa sii raaciyey mid kamid ah saraakiisha.

Hans Sequeira, oo ah agaasimaha DIS, ayaa ku nuux-nuux-saday in xeerarka caalamiga ah ay dhiganayaan in Luqmaan lagu celiyo wadankii uu si sharci ah ku soo galay, sidaasi darteedna loo celin doono Soomaaliya.

"Xarigga iyo masaafurinta Faarax ayaa muujineysa khatarta joogtada ah ee argagixisada iyo baahida loo qabo iskaashi caalami ah oo lagula dagaalamo," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta.

Dhinaca kale, isku-dayo xiriir oo lala sameeyay mas'uuliyiinta amniga Soomaaliya kaasoo la doonayey in wax looga waydiiyo waxa ay kala socdaan kiiskan ayaanan guuleysan.

Al-Shabaab ayaa dagaal ba'an waxay kula jirtaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhowaan bilaabi doonaa wajiga labaad ee guluf ka dhan ah xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM