Xaaf oo lagu xanibay garoonka diyaaradaha Hargeysa
HARGEYSA, Somaliland - Warar loo qaateen ah ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] Axadda maanta ah lagu xanibay garoonka diyaaradaha caasimada maamulka Somaliland ee Hargeysa.
Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay xanibaadan. Laamaha ammaanka Somaliland ayaan wali bixin tafaasiil ku saabsan dhacdadan. Isku dayo xiriir lala sameeyay ayaanan guuleysan.
Is-hor-taagan ayaa kusoo beegmay iyadda oo degaanada Somaliland looga dabaaldegayo doodii baarlamaanka Ingiriiska uu asbuucii hore ka yeeshay qadiyada aqoonsiga maamulkan.
Hal illo wareed ayaa u sheegay Garowe Online in Xaaf markii uu kasoo dagay diyaaradda la fadhiisiyey qeybta VIP-ga loona diidey in uu magaalada u sii gudbo "sidii horey u dhici jirtay".
"Waxaa la filayaa in Xaaf la saaro diyaaradda Jabbuuti oo magalada Jabbuuti gaynaysa," ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka madaarka oo codsadey in aan la adeegsan magaciisa dhowr sabab awgeed.
Madaxwaynihii hore ee Galmudug oo aan la ogeyn ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu waramay in uu horay dhowr jeer u booqdey Hargeysa kadib markii uu ka dagay hogaaminta dowlad goboleedkaas.
Somaliland oo tan iyo 1991-dii sheegata in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale ayaa aalaaba waxay musaafuris iyo xarig isugu dartaa siyaasiyiinta kasoo jeeda koonfurta ee booqda dhulkeedda.
GAROWE ONLINE