Xasan Sheekh: Al-Shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa codsadey in aan la siyaasadeyn ololaha ka dhanka ah kooxdan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyaadka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn, sidda uu sheegay madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Isaga oo la hadlayay Golaha Shacabka, Xasan Sheekh ayaa codsadey "in aan la siyaasadeyn dagaalka Al-Shabaab" saacado kadib markii siyaasiyiin ay ugu baaqeen in dowladiisu xoogga saarto gulufka ciidan.

"Khawaarijta Al-shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qaybqaato," ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa ku daray: "Annagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-Shabaab".

"Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh," ayuu tibaaxay.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay: "Waxaan rabaa in aan labada gole ee Barlamaankeena sharafta leh hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Al-shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara".

"Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-shabaab," ayuu ku nuux-nuux-saday.

Baaqa siyaasiyiintan oo isugu jira madaxwayneyaal hore, ra'iisul wasaareyaal hore, iyo mas'uuliyiin kale ayaa waxa uu yimid ka gadaal markii Golaha Wadatashiga Qaranka soo jeediyey qodobo xasaasi ah.

Soojeedinta madaxda dowladda federaalka iyo maamulada ayaa ahayd in dalka uu u guuro nidaamka madaxtooyadda taas oo ka dhigan in uu meesha ka baxayo xilka ra'iisul wasaaraha.

Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka jira nidaamka baarlaaanka taasoo ku dhigan dastuurka ku meelgaarka ah. Isku-dayga ay gedaal ka riixeyso Madaxtooyadda waxa uu la kulmay mucaarad aan sahal ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM