Xildhibaan Kenyan ah oo ka qaylo-dhaamiyey weerarada Al-Shabaab
NAIROBI, Kenya - Xildhibaan Bashiir Cabdullaahi oo ka tirsan baarlamaanka Kenya oo laga soo doorto degmada Mandheera oo ay ku soo badanayaan dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ayaa isku raacay in weeraradii ugu dambeeyay ay sabab u tahay cadaadiska ay kooxdaasi kala kulmeyso dadka maxalliga ah iyo dowladda Soomaaliya.
"Waxay raadinayaan waddo ay ku baxsadaan ama meel ay ku dhuuntaan, meesha soohdintuna waa Waqooyi Bari Kenya," ayuu yiri mudanah oo qudhiisa la hadlay Idaacadda Ameerikaanka.
Cabdullaahi waxa uu filayaa in xitaa weeraro kale oo badan haddii ciidamada Kenya ay ka qeyb qaataan wejiga labaad ee howlgallada milatari sida la filayo.
"Waxaa hubaal ah in Al-Shabaab ay wali ka aargoosan doonaan," ayuu yiri. "Waxay taas sameeyeen xitaa ka hor annaga, Kenya, ka mid ahaanshaha AMISOM, marka waxaan aaminsanahay in tani ay sidoo kale noqon karto mid la mid ah."
Sharci-dejiyaha oo sii hadlaya ayaa ku gacan seyray qiimeynta Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysaneysa Kenya oo ay ka sii wadi karaan dagaalka haddii looga adkaado Soomaaliya.
"Dabcan, waxaa jirta suurtagalnimada in la yiraahdo haddii laga saaro ama kulaylku aad ugu badan yahay gudaha Soomaaliya, waxay imaanayaan Kenya, taasi waa suurtagal," ayuu yidhi.
Waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Laakin iyaga oo uguma xididaysan karaan gudaha Kenya sida Soomaaliya oo kale, uma malaynayo inay taasi dhici karto". Al-Shabaab, oo ah koox xag jir ah, ayaa tan iyo sannadkii 2007-dii u dagaalamaysay gacan ku heynta Soomaaliya oo taakulo ka helaysa Beesha Caalamka iyo wadamadda dariska la ah.
GAROWE ONLINE