Xildhibaan Mareykan ah: Soomaaliya waxay ku xidideysatay rabshado

Image
Matt Gaetz oo ka tirsan Congress-ka ayaa olole xoogan ugu jira in askarta Ameerikaanka laga saaro Soomaaliya.

WASHINGTON, USA - Xildhibaan Matt Gaetz oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa laba jibaaray baaqiisa ku aaddan in askarta Ameerikaanka laga saaro Soomaaliya, sidda uu muujinayo qoraal uu ku qoray ciwaankiisa Twitter-ka.

“Maraykanku waxa uu Soomaaliya ku lahaa joogitaan ciidan tan iyo 1992-kii, laakiin waxa uu ahaa dedaal kharash badan lagu bixiyey oo inta badan aan miro dhal ahayn,” ayuu qoray Gaetz.

Wuxuu raaciyey: "Soomaaliya waxay ku xidideystey rabshado iyo xasillooni-darro siyaasadeed oo soo jiitamaysay dhowr iyo toban sano, waxayna u muuqataa in aysan dhammaad lahayn".

"Mareykanku mas'uuliyad ayaa ka saaran ilaalinta muwaadiniintiisa iyo difaacida danihiisa, laakiin Soomaaliya ma ahan mid muhiim u ah amniga qarankeenna," ayuu raaciyey mudanaha laga soo doorto Florida.

Sharciyahan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa intaas sii ku dartey: "Halkii ay dhaqaale badan ku shubi lahayd colaad aan dhammaanayn, waa in Maraykanku uu mudnaanta koowaad siiyaa baahiyihiisa oo uu diiradda saaro arrimaha sida tooska ah u saameeya deriskeenna".

"Waxaa la joogaa xilligii aan ciidamadeenna dib ugu celin lahayn dalkooda, Soomaaliyana ay heli lahayd waddadeeda xasilloonida," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay mudanaha.

Gaetz ayaa bishii hore waxa uu gudbiyey qaraar uu ku dalbanayo in ciidamada qalabka sida ee Mareykanka laga saaro Soomaaliya marka laga reebo ilaaladda gaarka ah ee safaaradda Ameerikaanka ku leeyihiin caasimadda Muqdisho.

Qaraarkan oo wali aan cod loo qaadin ayaa haddii la meelmariyo waxa uu xeerinayaa in askarta Mareykanka looga saaro Soomaaliya muddo 365 maalmood ah. Hase ahaatee, waxay u badan tahay in uusan codad ku filan heli doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM