Xog laga helay is-miidaamiyihii beegsadey Guutadda 14-ka October

Image
Labo sarkaal oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa bixiyey fahfaahinta macluumaadkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo aroortii Isniinta ka dhacay dugsiga Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, sidda ay illo-wareedyo dhanka amniga sheegeen.

Qaraxa ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan milatariga oo safaf ku jiray kadib quraacdii waxaana ay sugayeen in ay u khudbeeyeen qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamadda Soomaaliya.

Labo sarkaal oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo codsaday inaan magacyadooda la sheegin, ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 25 askari ay ku dhinteen weerarka, in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha, 24 kamid ah waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah waxaana loo qaadey isbitaal halkaas oo la filayo in xaaladooda lagula tacaalo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. War qoraal ah oo ay kooxdu soo dhigtay barta Telegram Messenger, ayay ku sheegtay in mid kamid ah naftood haligeyaasha uu beegsaday ciidamada.

Al-Shabaab ayaa tibaaxdey in qaraxaas ay ku dileen  197 askari, ayna ku dhaawaceen 124-askari, hase ahaatee waa tirooyin aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin.

Ninka is qarxiyay ayaa xirnaa dareeska ciidamada, sidda uu sheegay mid kamid ah sarkaalkiisha ciidamadda. Ma cadda sida ay ugu suuragashay in qofka is qarxiyay uu gudaha u galo mid ka mid ah xarumaha ugu ammaanka badan caasimadda.

Askarta dhimatay ayaa ka tirsaneyd guutada 14-ka Oktoobar oo loo sameeyay xuska dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee ugu dhimashada badnaa ee Afrika ee ka dhacay isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​600 oo qof 14-kii October, 2017.

Ciidamada Soomaaliya iyo dadka deegaanka ayaa tan iyo bishii Agoosto wadeen howlgallo ka dhan ah xoogaga gacansaarka la leh shabakadda caalamiga ah ee Al-Qaacida.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wacad ku martay in ay sii wadi doonto howlgalka wajigiisa labaad si kooxda looga saaro deegaano badan oo miyi ah.

Kooxda xagjirka ah ayaa tan iyo markii ay dharbaaxo kala kulmeen gulufka wajigiisa koowaad waxa ay fulisay weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah dowladda iyo sidoo kale goobaha rayidka kuwaas oo waxyeelo geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM