Xog laga helay sababta keentay shilkii diyaaradda Halla Airlines

Image
Baareyaasha ayaa la wareegay sanduuqa madow halkaas oo natiijada kama dambeysta ah kasoo bixi doonto.

MUQDISIHO, Soomaaliya - Diyaarad rakaab ah oo waday duulimaad maxalli ah ayaa Talaadadii shalay ahayd ku dhacdey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Dhammaan 30-kii Rakaab ee la socday iyo Afar Shaqaale ah ayaa badbaaday, sida lagu sheegay war ka soo baxay Maamulka Hawada Soomaaliya.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa E-120, ayaa waxaa maamuleysay Shirkadda Diyaaradaha ee Halla Airlines, waxayna ka soo duushay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, iyadoo ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Dhacdadan ayaa dhacday 12:23 p.m. waqtiga Muqdisho.

Ismaaciil Maxamuud oo ka tirsan maamulka sarre ee shirkadda Halla Airlines ayaa Idaacadda VOA u sheegay in natiijada baaritaanka ay dib ka soo sheegi doonaan.

“Hadda waxaan ka shaqaynaynaa arrintii la xiriirta qiimeynta burburka diyaaradda,” ayuu Ismaaciil waxa uu ku yiri waraysi kooban oo khadka taleefanka ah.

Maclumaad horudhac ah ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo in qalad ka yimid duuliyaha uu sababay shilka, sida uu sheegay sarkaal Soomaali ah oo diiday in magaciisa la xigto.

"Xaqiiqooyinka waxaa la ogaan doonaa marka cod duubaha iyo sanduuqa madow la falanqeeyo," ayuu raaciyay. Sanduuqa Madow waxa uu keydiyaa dhaqdhaqaaqa diyaaradda.

Maamulka garoonka diyaaradaha ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameeyay adeegyada ay u baahan yihiin, iyagoo dib ugala wareegay maamulka hawada ee Qaramada Midoobay. Horaantii sanadkan, Soomaaliya waxa ay dib u soo ceshatay darajada A ee Ururka Gaadiidka Cirka ee Caalamiga ah.

In ka badan 150 duulimaad oo isugu jira kuwa gudaha iyo dibadda ah ayaa maalin walba ka duulla garoonka diyaaradaha ee magaaladaMuqdisho, sida ay sheegtay maamulka garoonka. Diyaaradaha waaweyn ee caalamiga ah ee isticmaala garoonka ayaa waxaa ka mid ah Turkish Airlines, Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM