Xogta askari Masaari ah oo dilay ciidamo Yahuud oo la shaaciyay

Image
Magaciisa ayay warbaahinta Israel ku sheegeen Maxamuud Salaax isaga oo jiray da'da 22 jir.

DOOXA, Qadar - Dhawaan ayay ahayd markii Askari u dhashay dalka Masar uu ka tilaabay darbiga xuduudka gobalka Siinaay ee u dhaxeeya Masar iyo Israel kadibna uu toogasho ku dilay sadex kamid ah Askarta Israel isla markaana uu dhaawacay sarkaal.

Magaciisa ayay warbaahinta Israel ku sheegeen Maxamuud Salaax isaga oo jiray da'da 22 jir waxaana uu kasoo jeeday gobalka Caynu Shamsi ee ku yaala bariga caasimada wadankaasi isag oo dhashay 2001.

Maxamuud ayaa warbaahintu ku warantay in uu marar hore uu baraha bulshada ku taageeray dadka reer Falastiin gaar ahaan marinka Gaza ee ay duqeymaha u geystaan ciidamada Israel.

"Ilaahaw sida aad u wanaajisay dadkii hore ii wanaaji iguna dar," waxay ahayd fariintii ugu danbaysya ee uu ku qoray bartiisa Facebook saacado uun kahor inta uusan ka tilaabin darbiga isla markaana uusan fulin toogashada.

Askarigaan ayaa ciidamada Masar la qoray sanadkii hore isla bishaan June oo kale isaga oo sidoo kale la helay qoraalo uu dhigay baraha bulshada kuwaasi oo uu garab istaag ugu muujiyay shacabka Gaza isaga oo yiri: "Gaza ilaahay garabkaaga ha ahaado".

Salaax ayaan soo marin waxbarashada sarre isaga oo sida dad ku dhaw ay Al-Jazeera ugu warameen aan ku lug lahayn haba yaraate wax arimo siyaasadeed ah.

Kanaalka 12aad ee Israel ayaa dhankiisa waxa uu si gaar ah u tabiyey in ciidamada Israel ay meydka askarigaan ku wareejiyeen dowladda wadanka Masar.

Afhayeen u hadlay ciidamada Masar ayaa markii hore dhacdada ku tilmaamay mid timid kadib markii askarigooda oo la diriraya kooxaha daroogada ka ganacsada isla markaasina taasi ay keentay dhimashada sadex askar u dhalatay Israel.

Ciidamada amniga Masar ayaa tagay guriga qoyska askarigaan iyaga oo sida goobjoogayaal ay Al-Jazeera ka xigatay kaxaystay walaalkiisa iyo adeerkiisa si ay su'alao uga waydiiyaan fikradaha diimeed iyo kuwa siyaasi ee uu aaminsanaa Maxamuud Salaax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM