Xujada Soomaaliya uga xiran in laga qaado cunaqabateynta hubka

Image
Xayiraadan ayaa la soo rogay sanadkii 1992-kii xilligaas oo ay Soomaaliya ka socdeen dagaallo sokeeye.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa taageero dheeraad ah waxay u heshay dadaalka ay ugu jirto in laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran tobanaanka sano.

Cunaqabataynta hubka ee ka timid dhanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa la soo rogay sanadkii 1992-kii xilligaas oo ay Soomaaliya ka socdeen dagaallo sokeeye.

Sannadkii 2013-kii, Qaramada Midoobay ayaa wax yar fududaysay xayiraadda dhanka hubka, taasoo u oggolaatey xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho inay soo iibsato hubka fudud.

Matt Bryden, oo horay u soo noqday isku duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta aysan waxba ka bedeli doonin in dowladda Soomaaliya ay hesho qalab ciidan.

"Sababtoo ah mar hore ayaa laga dhaafay dhinacyo badan oo cunaqabateynta ah ama waxaa si fudud looga baahan yahay inay ogeysiiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo dejinta," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Laakin mar haddii aysan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si toos ah u maamulin mid ka mid ah Xuduudaha dhulka ee Soomaaliya ama Dekadaha waaweyn, marka laga reebo Muqdisho, [waa caqabad kale]".

"Qaadista xayiraadda waxay u sahli kartaa in ay fududeeyaan kuwa aan dowliga ahayn iyo sidoo kale dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya in ay helaan hub iyo rasaas iyada oo aan wax cabsi ah laga qabin cawaaqib xumada ka dhalan karta," ayuu tibaaxay.

Todobaadkan, wakiilo ka socda Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta - shan dal oo Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka - ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

War-murtiyeed ay soo saareen dalalkan ayay ku sheegeen inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageeraan sidii ay u buuxin lahayd halbeegyada hubka iyo maamulka rasaasta iyadoo la doonayo in si buuxda looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Qaramada Midoobay.

Cunaqabateynta ayaa "gardaro" iyo "caqabad" u aragtaa dowladda Soomaaliya. Qaadista jidgooyadan waxaa ka dhalaneysa in ciidamadda Soomaaliya ay helaan hub ka duwan kan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM