Yurub oo wajahaysa kuleyl daran iyo digniin lasoo saarey

Image
Heerkulkii ugu darnaa ee abid laga diiwaan geliyo Yurub wuxuu gaarey 48.8C Sicily bishii Agoosto sanadkii 2021.

LONDON, UK - Digniin cas ayaa la soo saaray 15 magaalo oo ku yaala Talyaaniga iyadoo kulaylka ba'an uu weli ka jiro koonfurta Europe.

Ogeysiiska oo qeybi ka ah talooyin caafimaad ayaa ku wajahan goobaha dalxiiska ee Rome, Florence, iyo Bologna.

Wakaaladda hawada sare ee Yurub (ESA) ayaa sheegtay in Italy, Spain, France, Germany iyo Poland laga yaabo inay wajahaan kuleyl daran.

Dawladda Talyaanigu waxay kula talisay cid kasta oo ku sugan meelaha ay khusayso digniinaha cas ee inay ka fogaadaan iftiinka qorraxda tooska ah inta u dhaxaysa 11:00 barqanimo iyo 18:00 fiidnimo.

Talaabadan dhanka badqabka ah ayaa si gaar ah waxaa loo siiyey dadka waayeelka iyo kuwa jilicsan.

Heerkulkii ugu darnaa ee abid laga diiwaan geliyo Yurub wuxuu gaarey 48.8C Sicily bishii Agoosto sanadkii 2021.

Saadaasha ayaa waxay sii jeedinaysaa in khatar heerkaas la eg ay todobaadkan ka dhici karto qaaradda Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM