Canada: Nin isku-dayay in uu gaari jiir-siiyo Muslimiin oo la xiray

Image
Eedeysanaha oo 28-sano jir ah ayaa waxaa lagu soo oogay labo dacwadood oo khatar ah.

TORONTO, Canada - Booliska Canada ayaa xiray nin isku dayay in uu weeraro dad Muslimiin ah oo ku cibaadeysanayay labo masjid oo ku yaala Toronto, waxaana la bilaabay baaritaan in falkan uu ahaa "naceyb ka dhan ah Muslimiinta".

Booliska ayaa sheegay in looga yeeray masaajid ku yaala magaalada Toronto kadib markii nin la sheegay in uu gaarigiisa u kaxeeyay goobta baabuurta la dhigto oo uu isku dayay in uu ku dhufto dadkii cibaadeysanayay iyo sidoo kale gaadiid kale.

Dhacdooyinka ayaa dhacay 5-tii Abriil abbaare 5:30 subaxnimo iyo 6 subaxnimo, sida ay booliisku sheegeen. "Darawalkii ayaa dhanka masaajid u kaxeeyay gaarigiisa markii uu goobta soo gaarey," ayay xuseen.

Eedeysanaha ayaa ka dib u sii gudbay Suuqa laga dukaameysto ee Scarborough, halkaas oo ugu cagajugleeyay dhowr qof oo wax ka iibsanayay, wuxuuna ku qeylinayay hadallo ka dhan ah Muslimiinta.

Ninkan oo 28-jir ah ayaa la xiray waxaana lagu soo oogay laba dacwadood oo kala ah hawlgal halis ah oo baabuur, shan kiis oo danbiyeed ah, inuu meel fagaare ah ka sheegay hanjabaad jireed, weerar iyo falal anshax xumo ah.

Taliska Bilayska oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa sidoo kale waxay ku soo oogay eedaysanaha dhacdo kale 7-dii Abriil masaajid ku yaal magaalada u dhow Toronto ee Markham.

Dhacdo kale oo ka dhacday magaalada Kitchener oo qiyaastii 100 kiiloomitir (62.1 mayl) dhanka galbeed ka xigta Toronto, booliisku waxay dacwad ku soo oogeen haweeney 27 jir ah ka dib markii lagu eedeeyay naceyb weerar kaas oo dhacay iyadoo dadku ay saf ku sugayeen xarunta imtixaan wadista Arbacadii. .

Mifrah Abid, oo ah xiriiriyaha barnaamijka wadajirka ah ee ka dhanka ah Islaam naceybka ee Isbaheysiga Haweenka Muslimiinta ee deegaanka, ayaa muuqaal ay soo dhigtay Twitter-ka ku soo bandhigtay haweeney.

Waxay haweeneyda ku eedaysay "inay hadal cunsuriyad ah ka bixisay dadka buniga ah." Haweeneyda ayaa beenisay eedeynta, ka dibna horay u sii foorarsatay oo ay qabatay taleefankii Abiid oo ay ku tuurtay.

Muuqaal labaad oo uu qof kale soo qaaday ayaa muujinayey isku-dhacyada. Taliska Booliisku waxay tuhmanaha ku soo oogeen tacadi dhanka jirka ah, adeegsiga hub iyo xatooyada aduun lacageed oo dhan $CAN5,000 ($US 3,700).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM