Canada: Nin jeex-jeexay kitaabka Qur'aanka oo xabsi la dhigay

Image
Sharan Karunakaran ayaa waxa uu wajahayaa dacwad ku saabsan in uu geystay fal naceyb ah.

TORONTO, Canada - Nin u dhashay Canada oo 28 jir ah ayaa la xiray waxaana lagu soo oogay dambiyo naceyb ka dib markii uu kitaabka qur’aanka kariimka ah ku jeexjeexay masjid ku yaala gobolka Ontario.

Dhacdadan ayaa laga soo wariyay magaalada Markham iyadoo eedeysanaha oo lagu magacaabo Sharan Karunakaran lagu qabtey Toronto, sidda laga soo xigtey saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

Jimciyadda Islaamiga ah ee Markham (ISM) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shaqsigan uu sidoo kale isku dayay inuu gaarigiisa jiirsiiyo dadweynihii ka caroodey falka uu ku kacay.

Taliska Booliska oo xaqiijiyey in ay gacanta kusoo dhigeen ruuxan ayaa bayaankooda waxa aysan kusoo qaadin falka uu ninkan ku jeex-jeexay Kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Dacwadaha kale ee lagu soo oogay Karunakaran ayaa waxaa kamid ah in uu geystay fal abuuraya khal-khal amni, adeegsiga hub iyo in uu isku-dayay in uu gaarigiisa ku jiirsiiyo dadweynaha.

Sharan Karunakaran ayaa la qorsheeyay in Talaadada soo aadan uu kasoo muuqdo Maxkamadda Sare ee Caddaaladda ee magaaladda Newmarket ee gobolka Ontaariyo dalka Canada.

Wasiirka ganacsiga ee Canada, Mary Ng, ayaa cambaareysay fal dambiyeedka naceybka ah ee uu ku kacay Karunakaran, iyadoo sheegtay in dhacdadan oo kale aysan boos uga banaaneyn dalka Canada.

"Aad baan uga xumaaday inaan maqlo dembiyada nacaybka rabshadaha wata iyo hab-dhaqanka cunsuriyadda ee ka dhaca Bulshada Islaamka ee Markham," ayay Ng tiri qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo Muslimiinta inta badan ay ku cibaadeystaan masaajidda. Masaajidka Markham ayaa xilliyadan oo kaliya marti-geliya kumanaan qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM