Canada: Nin Muslim ah oo laga raaligeliyey Salaad loo diidey

Image
Muuqaal muujiyey dood dhex-martey ninkan iyo waardiye ayaa ku faafay barta Tiktok-ga.

TORONTO, Canada - Nin Muslim ah oo ku nool waddanka Canada ayaa helay raaligelin rasmi ah ka dib markii lagu wargeliyey in uusan ku dhex-tukan karin xarunta tareenada ee Ottawa.

Ururka ugu weyn ee Muslimiinta Canada oo war-saxaafadeed ku cambaareeyay falkan ayaa ku adkeystay in muhiim ay tahay in la qaado talaabo dhaafsiisan warqad cudurdaar ah.

Kiiskan ayaa caan noqdey ka gadaal markii Golaha Qaranka Muslimiinta Kanada (NCCM) ay barta Tiktok kusoo bandhigeen muuqaalka ninkan iyo waardiye u diidaya in uu salaada oogo.

Kadib markii muuqaalka uu baahay, VIA Rail, shirkadda dowladeed ee maamusha xarunta, ayaa "si aan qarsoodi lahayn u raaligelisay dhammaan bulshada Muslimiinta" waxayna ballanqaaday baaritaan.

Muuqaalka oo aad u faafay ayaa muujiyey waardiyaha xarunta oo ku amraya ninka in uusan ku tukan karin gudaha xarunta tareenka sababtoo ah "Waxaad dhibaysaa macaamiisheena kale".

Kadib amarkaas, ninka Muslimka ah oo u hogaansamaya amarka la siiyey ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in uu ku tukaday meesha ugu danbeysa ee laamiga, cid diidayna ma jirin.

Canada ayaa kamid ah wadamadda reer galbeedka ee ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan. Soomaali ayaa kamid ah dadkaas. Hase ahaatee, waxaa kusoo badanaya takoorka Muslimiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM