Canada: Talaabo horleh oo loo qaadey ciribtirka Islaam-naceybka
TORONTO, Canada - Guddiga maamula dugsiyada heer degmo ee magaalada ugu weyn Canada ee Toronto ayaa si wada jir ah u ansixiyay barnaamij ka dhan ah Islaam nacaybka iyo nacaybka Muslimiinta.
Ku dhawaad 235,000 oo arday kuwaasoo si joogto ah u xaadira fasaladda 7-aad ilaa 12-aad ayuu maamulaa guddigan, waxaana la aaminsan yahay in qiyaas ahaan shantiiba arday uu mid yahay Muslim.
Talaabada xigta waa in guddigu ay horumariyaan oo ay meelmariyaan barnaamijka. Jadwal looma soo saarin dhaqangelintiisa, laakiin guddiga ayaa la tashan doona kooxaha si ay u ururiyaan fikrado ay ku daraan istiraatiijiyadda.
Golaha Qaranka ee Muslimiinta Kanada (NCCM) – oo ah hay’adda u doodda Muslimiinta ee ugu weyn Kanada – ayaa soo dhoweysay warka waxaana ay ku tilmaameen talaabo horey loo qaadey.
"Dhacdooyinka Islaam nacaybka ayaa ku soo badanayay dalka oo dhan sannadihii u dambeeyay," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay NCCM. "Tani waxaa ku jira gudaha fasalladayada Toronto iyo meelo ka baxsan".
NCCM ayaa intaas ku dartey: "Waa markii hoggaamiyeyaasheena ay hirgelin lahaayeen istiraatiijiyad dhab ah oo ka dhan ah Islaam nacaybka ah si ay u caawiyaan ilaalinta ubadkeena. Ardayda Muslimiinta ah waa in aysan ka welwelin badbaadadooda si lamid ah bad-qabka fasalladayada iyo dugsiyadayada".
"Daraasadaha iyo warbixinnada ku saabsan waaya-aragnimada nololeed ee ardayda muslimiinta ah ee nidaamka dugsiyada Kanada ayaa noo sheegaysa in Islaam nacaybku u jiro siyaabo badan," ayay xustey NCCM. "Waa tallaabo dhab ah oo loo qaaday jihada saxda ah ee ballanqaadka TDSB ee sinnaanta iyo kamid noqoshada."
Go'aanka Guddiga maamula dugsiyada heer degmo ee Toronto waa midkii labaad ee ku dhawaaqa in uu dhaqan-gelinayo istaraatiijiyad lagula dagaalamayo Islaam nacaybka.
Bishii Jannaayo, Guddiga Dugsiyada Degmada Peel, oo wax yar waqooyi-galbeed ka xiga Toronto, ayaa noqday guddigii ugu horreeyay ee Kanada u codeeya dejinta iyo hirgelinta istaraatiijiyad nacaybka Islaamka.
GAROWE ONLINE