Sweden: Kitaabka Qur'aanka oo lagu nijaaseeyay banaanka masjid
LONDON, UK - Tobanaan qof oo aaminsan Masiixiyada ayaa isu-soo-bax waxa ay ka dhigeen banaanka masjid ku yaalla caasimadda Sweden ee Stockholm halkaas oo ay ku nijaaseeyeen Kitaabka Qur'aanka.
Falkan oo dhacay Arbacadii shalay ahayd xilli ay dadka u dabaaldegayeen maalinta koowaad ee munaasabadda Ciidul Adxaa ayaa waxaa hormuud u ahaa Salwan Momika oo ah qaxooti u dhashay Ciraaq.
Momika iyo dadka kale ee la socdey ayaa garab ka helay booliska. Laamaha ammaanka waxay kooxdan ka difaacayeen Muslimiinta ka carootay falka ay ku kaceen shaqsiyaadkan xagjirka ah.
Muuqaalo iyo sawirro laga qaadey dhacdadan ayaa muujiyey Momika oo kitaabka barakeysan dul-saarey gabal kamid ah hilibka doofaarka kadibna ku dul-istaagay.
Cajalad kale oo internet-ka ku faaftey ayaa tusinaysa nin kale oo la socday Momika oo aan la aqoonsan kaasoo kula dadweynihii isaga oo adeegsanaya teleefoon-gaaban.
"Waxay ahayd goob loogu talo galay in lagu argagax geliyo shacabka muslimiinta ah ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidul Adxaa," ayuu yiri mid kamid ah dadka goobta kula hadlay saxaafadda.
Qofkan ayaa intaas ku daray: "Taa beddelkeeda, bandhigga waxaa si weyn loogu jeesjeesay, la eryay, ama la iska indhatiray ilaa 200 oo qof oo bannaanka isugu soo baxay.
Madaxda masaajidka ayaa ka xumaaday go'aanka booliisku ku fasaxay mudaaharaadka inta lagu jiro fasaxa muslimiinta. Maamulaha masaajidka dhexe ee Stockholm, Imaam Maxamuud Khalfi, ayaa dalbaday raaligelin.
Bilayska ayaa markii dambe waxa uu ku dhawaaqay inay baarayaan mid ka mid ah ragga "sameeyay kacdoon ka dhan ah qowmiyad". Hase ahaatee, waxaa su'aal la geliyey daacadnimadooda.
Turkiga ayaa hoos-u-dhigay codsiga kaga yimid Sweden ee xubinnimada NATO, isagoo ku eedeeyay qaranka Waqooyiga Yurub inay gabaad siiyaan dadka ay u arkaan "argagixiso" oo ay dalbadaan in loo gacan geliyo.
GAROWE ONLINE