Ilhaan Cumar oo hindistey sharci ka dhan ah Islaam-naceybka

Image
Tallaabadan waxaa Xildhibaanadda ku wehliya illaa 20 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

NEW YORK, United States - Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa soo bandhigtay qaraar cusub oo lagu cambaareynayo Islaam-naceybka caalamka oo dhan, laguna xusayo weerarkii masaajidka Christchurch, New Zealand ee 2019, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 50 Muslimiin ah oo cibaadeysanayay.

Tallaabadan oo Ilhaan ay ku wehliyaan 20 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa la soo bandhigay maalintii ugu horreysay ee bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana ay ku soo beegantay hal toddobaad kaddib markii Qaramada Midoobay ay xustay maalin loo asteeyay la dagaalanka Islaam-nacaybka.

"Sanadkan [Ramadaankan] sidoo kale waa xilli ay sii kordhayaan argagixsada iyo weerarrada ka dhanka ah walaalaha muslimiinta ah ee ku kala nool dalkan iyo guud ahaan caalamka," ayay Ilhaan ka tiri shir jaraa'id.

Golaha Xiriirka Islaamka ee Maraykanka ayaa shaaca ka dhigay 2022-kii in ay diiwaan-geliyeen in ka badan 6,000 oo kiis oo eex ah oo ka dhan ah Muslimiinta oo badankooda ka dhacay waaxda socdaalka, takoorka goobta shaqada iyo maxaabiista.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xorriyadda diinta ayaa soo saaray warbixin 2021-kii, isagoo ku soo gabagabeeyay in tuhunka, takoorka iyo nacaybka loo qabo Muslimiinta ay sare u kacday “heerka faafidda cudurka”, isagoo tusaale u soo qaatay labada Faransiiska iyo Hindiya.

Warbixintii ugu dambeysay ee dowladda Canada ayaa waxaa lagu caddeeyay in weerarada ka dhanka ah Muslimiinta ay kordheen 71 boqolkiiba sanadka 2021-ka.

"Dhammaanteen waan ognahay in aan haysano shaqo badan oo aan ku qabanno si aan ula dagaallano cunsuriyadda, ajnabi nacaybka, Islaam nacaybka, iyo siyaasadaha nacaybka ee sii hurinaya," ayay raacisay Rashida Tlaib oo kamid ah xubnaha Ilhaan ku wehliya curinta hindise-sharciyeedkan.

Sannadkii 2021, Ilhaan Cumar ayaa waxay soo saartay qaraar ka duwan kan Muslim nacaybka, kaas oo samayn lahaa ergay Maraykanka u qaabilsan ka hortaga Islaam-naceybka. Hindise sharciyeedka waxaa meelmariyey Aqalka Hoose bishii Diseembar ee sanadkii 2021-kii balse wali waxaan cod u qaadin Golaha Aqalka Sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM