Israa'iil oo xayiraad horleh kusoo rogtey Masjidka Al Aqsa

Image
Go'aankan ayaa si gaar ah wuxuu u saameynayaa ragga Falastiin ee da'dooda ka yar tahay 40-ka sano.

DOOXA, Qadar - Ragga Falastiiniyiinta ah ee da’doodu ka yar tahay 40-ka sano ayaan loo ogolayn inay galaan Masjidka Al-Aqsa ee ay ku sugan yihiin Booliska Israa’iil, sida ay goob-joogayaal u sheegeen Al Jazeera.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan marinka Qaza ka dib markii ciidamada booliska Israa’iil ay xoog u adeegsadeen dhismaha masjidka Al-Aqsa labo habeen oo xiriir ah.

Bishan Ramadaan dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa la arkayay ciidamada Israel oo weeraray dad ku cibaadeysanayay goobta saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka.

Askartu waxay dadka ka hor istaageen in ay habeenkii masaajidka u seexdaan si ay u ictikaafaan – waa caado soo jireen ah in dhawr maalmood gudahooda lagu qaato gudaha masjidka inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Dhanka kale, guddiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ku dhaqanka xuquuqda lama taabtaanka ah ee dadka reer Falastiin ayaa dhaleeceeyay howlgallada ay booliiska Israa’iil ku beegsanayaan dad Falastiiniyiin ah oo ku cibaadaysanayay gudaha masjidka Al-Aqsa.

"Siyaasadda sharci darrada ah ee Israa'iil iyo hab-dhaqankeeda waxay sii xoojinaysaa duulaanka sharci-darrada ah ee dhulka falastiiniyiinta oo ay qabsatay tan iyo 1967," ayuu xafiisku ku yiri hadal uu soo saaray.

Xafiiska ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo xadgudubyada Israa’iil ee dhulka la haysto ee Falastiin waxayna ku boorisay Israa’iil inay u hoggaansanto waajibaadkeeda sharci ee caalamiga ah si waafaqsan go’aamada Qaramada Midoobay.

"Xafiiska ayaa ku baaqaya in la ixtiraamo xorriyadda dhammaan dadka cibaadeysanaya si ay u galaan goobaha diinta si waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee la dejiyey," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM