Jarmalka: Macalin aflagaadeyay ardayad Muslim ah oo la dacweeyay
BERLIN, Germany - Ardayad Muslimad ah ayaa dacwad dambiyeed gudbisay ka dib markii uu aflagaado cunsuriyad ah u geystay borofisar ku sugan dalka Jarmalka oo duray xijaabkeeda, sida uu sheegay qareenkeeda Isniintii.
Dhacdadan ayaa lagu waramay in ay timid xilli lagu guda jiray fasal ku sabasan dhaqaalaha oo ay ka dhiganeysay Jaamacadda Bonn-Rhein-Sieg ee waqooyi-galbeed ee Jarmalka.
Professor Fatih Zingal ayaa la sheegay in uu isticmaalay aflagaado cunsuriyad ah, xitaa waxa uu barbardhigay xijaabka haweeneyda Muslimadda ah iyo astaanta swastika ee Nazi-ga cusub, sidda laga soo xigtey qareen Fatih Zingal.
Waa dhacdadii ugu dambaysay ee is-daba-jooga ah oo Islaam nacayb ah iyo dambiyo nacayb ah oo ka dhacay Jarmalka, gaar ahaan kuwa lagu saameeyo dumarka ee ku labisan dharka Islaamka.
Dal ay ku nool yihiin in ka badan 84 milyan oo qof, Jarmalka ayaa martigeliya Muslimiinta labaad ee ugu badan Galbeedka Yurub marka laga reebo Faransiiska.
Sidda ay muujineyso natiijadda tirokoobkii ugu dambeeyay, Germany waxaa hoy u ah ku dhawaad 5 milyan oo Muslimiin ah kuwaas oo qeybtooda ugu badan ay dumar yihiin.
Dalkan ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay kusoo badanayay cunsuriyadda iyo Islaam nacaybka, waxaana arrintan sii hurinaya dacaayadaha kooxaha iyo xisbiyada midigta-fog.
Booliiska Jarmalka ayaa warbixintii ugu dambeysay oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay diiwaangeliyeen 5,372 fal naceyb ah iyo 610 dambi Islaam nacayb ah sanadkii hore.
Khubarada ayaa waxa ay cod dheer ku tibaaxeen in tirooyinka dhabta ah ay aad uga badan karaan, maadaama marar badan aan si sax ah loo baarin ama aan loo diiwaan gelinin tirakoobka rasmiga ah ee dambiyada noocaan.
GAROWE ONLINE