Lubnaan oo warqad ka dhan ah Yahuuda u digtey Qaramada Midoobay

Image
Warqadan ayaa waxay cambaareynaysaa "xadgudubyada" ay Israa'iil ka geysaneyso koonfurta dalkaas.

BAYRUUT, Lubnaan - Lubnaan ayaa Sabtidii waxay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay dacwad ka dhan ah xadgudubyada Israel ay ku hayso dhulkeeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Lubnaan, Abdallah Bou Habib, ayaa sheegay in warqad cabasho ah oo ku saxiixan magaca dowladda Lubnaan loo gudbiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Warqaddu waxay cambaaraysay "weeraradii ay Israa'iil fulisay subaxnimadii Jimcaha, Abriil 7, 2023, ee ka dhacay degaannada koonfurta Lubnaan," waxayna Tel Aviv "mas'uul ka tahay cawaaqib xumada ka dhalan karta xaalad kasta oo colaad ka qarxin karta xaaladda koonfurta Lubnaan".

Warqaddu waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay inay ku waajibto Israa'iil "inay joojiso ku xad-gudubka madax-bannaanida Lubnaan ee cirka, dhulka iyo badda, iyo inay joojiso khatarta joogtada ah ee nabadda iyo amniga iyo inay fuliso dhammaan waajibaadkeeda si waafaqsan Qaraarka 1701."

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo tirsigiisu yahay 1701 ayaa ku baaqaya in si buuxda loo joojiyo colaadda iyo in Israa’iil ay ka baxdo Koonfurta Lubnaan.

Rabshadaha ayaa cirka isku sii shareeray guud ahaan dhulka falastiiniyiinta kadib markii ciidamada Israel ay xoog ku galeen dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee ku yaala bariga magaalada Quddus, waxayna xoog uga saareen dadkii ku cibaadeysanayay labo habeen oo xiriir ah Talaadadii iyo Arbacadii.

Duulaanka ay Israa’iil ku qaaday masjidka ayaa sababay in gantaallo laga soo tuuro marinka Qaza iyo Lubnaan, iyadoo Israa’iil ay ka jawaabtay duqeyn cirka iyo madaafiicda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM