Muslmiinta oo gudbiyey dacwad ka dhan baarlamaanka Holland

Image
Dacwadan oo ka kooban 82 bog ayaa la gaarsiiyey guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.

LONDON, UK - Urur ay ku mideysan yihiin Muslimiinta waddanka Holland ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyay dacwad ka dhan ah guddiga baarlamaanka dalkaas oo loo xil saaray baaritaanka saameynta lacagaha shisheeye ay ku leeyihiin masaajida iyo ururada Islaamka.

Hay’adda Ummah Project, koox fadhigeedu yahay Holland oo dadaalkan hormuudka ka ah, ayaa dacwad ka kooban 82 bog u gudbisay guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo guddiga baarlamaanka ku eedeeyay "isir-naceyb".

Hogaamiyayaasha Muslimiinta ee qeybta ka ah cabashada waxaa ka mid ah Hamid Tahiri, Jacob Van Der Blom, iyo Nasr El Dalmanhoury, kuwaas oo xilal hogaamineed ka soo qabtay masaajido kala duwan iyo ururada Muslimiinta ee dalkaas.

Raggan ayaa hortagay guddiga oo loo yaqaano Pocob 2020-kii ka dib markii baarlamaanka uu bilaabay baaritaanka saameynta lacagta ay ka helaan "wadamada aan xorta ahayn" - oo ay ku jirto Kuwait; Marooko; Qatar; Sacuudi Carabiya; Turkiga; iyo Imaaraadka Carabta.

Guddiga Pocob ayaa diiradda saartay kaliya ururada Muslimiinta ee Holland waxaana ay diideen la ballaariyo "sababo ku aadan saameynta ay ku leeyihiin waddamadda shisheeyaha ah".

Saddexda nin oo ay guddigu u yeereen si ay su'aallo u waydiiyaan waxa ay halis ugu jiraan in la xiro haddii ay caddeeyaan in lacagaha ay helaan ay ku hoos-qarsan tahay ajande siyaasadeed.

Muuqaalo laga soo duubay su'aallo waydiinta guddiga ayaa muujinayay marqaatiyaasha Muslimiinta oo u adkeysanaya su’aalo adag oo ay weydiinayaan xildhibaanada baarlamaanka.

Mid kamid ah muuqaaladda aadka u faafay ayaa caddeeyay in mid kamid ah wadaada Muslmiinta uu damiyey makarafoonka ka gadaal markii uu u dulqaadan waayay su'aallaha adag.

2021, warbaahinta maxalliga ah ayaa daaha ka qaaday in ugu yaraan toban magaalo oo ku yaalla Nederlaan ay adeegsadeen shirkado gaar loo leeyahay si ay si qarsoodi ah u baaraan masaajidda iyo machadyada Islaamiga ah.

Mas'uuliyiinta Masjidka, xubnaha firfircoon ee bulshada Muslimiinta ah iyo kuwa deegaanka ah, NRC Handelsblad, waxaa baaritaan ku sameeyay Nuance Door Training and Advice (NTA) oo wakiil ka ah degmooyinka, iyadoo la adeegsanayo habab qarsoodi ah oo aan sharci ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM