Qaylo-dhaan laga soo saarey Islaam-naceybka ku batay Mareykanka
WASHINGTON, USA - Koror 63% ayaa 2022 jiray marka loo eego mugga cabashooyinka ay gudbiyeen carruurta dugsiyada Muslimiinta ee Mareykanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Golaha Xiriirka Muslmiiinta Ameerikaanka (CAIR).
Madaxa cilmi baarista iyo u doodista ee CAIR, Corey Saylor, ayaa sheegay inay tahay hoos u dhacii ugu horeeyay ee la diiwaan geliyo ee cabashooyinka xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta Maraykanka tan iyo markii ay bilaabeen dabagalka xogtan 1995-tii.
"Hoos-u-dhacaas waxay ina siinaysaa rajo, laakiin waxaan aragnaa takoorka ka dhanka ah bulshooyinka kale oo sii kordhaya, hadda waxaan bilownay in aan aragno nooc ka mid ah colaadaha sokeeye ee soo noqnoqonaya," ayuu hadalkiisa kusii daray.
Saylor ayaa tibaaxay in dadka Maraykanku aanay wali u qaadan Muslimiinta qayb ka mid ah bulshada, isaga oo intaa ku daray in sawirka Muslimiinta ee ay bixinayaa warbaahinta Ameerikaanka ah ay tahay caddayn muujinaysa arrintan.
"Caaga-juglaynta ama waxyaabaha Islaam nacaybka ah ee ku jira goobaha waxbarashada ayaa si gaar ah noo taabanaya. Markaa, nasiib darro, carruurtu waxay u muuqdaan inay yihiin mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu weyn," ayuu sii raaciyey.
Saylor waxa uu sheegay in 32% ay kordheen cabashooyinka ku saabsan falalka ka dhanka ah Muslimiinta ee ay ku kacayaan hay’adaha fulinta sharciga iyo saraakiisha dawladda sannadkii ugu horreeyay ee maamulkii hore ee Donald Trump.
“Donald Trump waxa uu sheegay in uu Muslimiinta ka mamnuuci doono dalkan, marka, marka aad haysato qof sidaas oo kale ah oo gacanta ku haya dawladda, waxa aad arkaysaa kiisas badan oo ay dawladdu wado," ayuu ku doodey.
Waxa uu dib u xusuustay sahan uu sameeyay machadka siyaasadda iyo fahamka bulshada bishii March, kaas oo daaha ka qaaday in 27% Muslimiinta Maraykanka ay la kulmaan dhibaatooyin xagga hay’adaha maaliyadda ah intii Trump uu talada hayay.
GAROWE ONLINE