Saraakiil boolis oo shaqada looga joojiyey jirdilka 45 Muslimiin ah
KAMPALA, Uganda - Booliska waddanka Uganda ayaa wuxuu shaqada ka joojiyay 13 sarkaal kadib markii ay jirdil u geysteen koox dhalinyaro Muslimiin ah, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliiska Uganda Fred Enanga, tallaabadan ayaa timid kaddib markii muuqaallada CCTV-ga ay muujinayaan askartan oo garaacaya 45 dhallinyaro Muslimiin ah.
Falkan ayaa waxa uu ka dhacay xarun dhaqan celin ah oo ku taalla duleedka caasimadda Kampala. Saraakiisha ayaa markii dambe xabsiga u taxaabay dhalinyaradii laga soo qabtay xaruntaasi.
Xaruntaas waxaa maamuli jiray hogaamiyaha muslimiinta degaanka Sheekh Muxamed Yunus Kamoga, iyadoo looga shakiyay in dhalinyaradaasi loo tabobaray jabhado ka soo horjeeda dowladda.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Booliiska Uganda ee Kampala, ayuu Enanga tibaaxay in saraakiishii ku lugta lahayd weerarkii 2-dii bishan June ay wajahayaan anshax marinta booliiska, iyadoo ay socdaan baaritaannada lagu hayo 45-ta dhallinyarada ah.
"Falalka ay sameeyeen askarta bilayska intii lagu guda jiray weerarkii lagu qaaday xarunta dhaqancelinta ee Kawempe...waxa ay hoggaanka booliiska u arkeen mid aan habboonayn. Howlgalka waxaa lagu geystey laad iyo dharbaaxo," ayuu raaciyay.
Ururka Qareenada Muslimiinta Uganda (UMLAS) ayaa cambaareeyay falka ay ku kaceen Booliska, waxayna ku hanjabeen in ay dacwad ka dhan ah u gudbin doonaan Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Uganda.
GAROWE ONLINE