Tirada dambiyada Islaam-naceybka Jarmalka ee dhacay 2022-dii
BERLIN, Jarmalka - Masjid ku yaal bartamaha magaalada Goettingen ee Jarmalka ayaa la helay warqad ay ku qoran yihiin hanjabaado ka dhan ah Muslimiinta oo ay ku qoran yihiin calaamad Swastika ah iyo calaamado kale oo Nazi-ga Neo-Nazi ah bishii hore.
Mehmet Ibrahimbaş, oo ah Guddoomiyaha ururka masaajidka, ayaa sheegay in warqadda ay ka kooban tahay cunsurinimo iyo nacayb ka dhan ah Islaamka oo ay ku qoran tahay astaanta neo-Nazi oo loo yaqaan "NSU 2.0."
Bishii Sebtembar ee sannadkii hore, tuhmanayaal aan la aqoonsan ayaa sidoo kale qoraalo cagajugleyn ah ku rinjiyeeyay darbiga masjidka, kaas oo ay maamulaan dallada Turkiga iyo Muslimiinta ee DITIB.
Jarmalka ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa kusoo badanayay cunsuriyadda iyo Islaam nacaybka, taasoo ay sabab u tahay dacaayadaha kooxaha midigta-fog ee ka faa’ideysanaya xasaradaha qaxootiga, iskuna dayaya inay kiciyaan cabsida dadka soo galootiga ah.
Sida laga soo xigtay xogtii ugu dambeysay, ciidamadda booliisku waxay diiwaan geliyeen ugu yaraan 610 dambi nacayb Islaam nacayb ah sanadka 2022 dalka oo dhan.
Ilaa 62 masaajid ayaa la weeraray intii u dhaxaysay January iyo December ee sannadkii hore, waxaana ugu yaraan 39 qof lagu dhaawacay rabshado ka dhan ah Muslimiinta.
"Tirooyinkan ayaa sidoo kale waxaa ku jiray tobanaan dambiyo nacayb ah oo ka dhan ah Muslimiinta, caga-jugleyn, burburin iyo burbur hantiyeed," ayay raacisay Daily Sabah.
Dal ay ku nool yihiin in ka badan 84 milyan oo qof, Jarmalka ayaa leh Muslimiinta labaad ee ugu badan Galbeedka qaarada Yurub marka laga reebo Faransiiska waxayna hoy u tahay ku dhawaad 5 milyan oo Muslimiin ah, sida lagu sheegay tirokoobyada rasmiga ah.
GAROWE ONLINE