Ururka Iskaashiga Islaamka oo digniin adag u diray Yahuuda
ANKARA, Turkey - Madaxa Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka digay in "dambiyada Israel ay geysaneyso Bariga Quddus ay quudiyaan rabshadaha, xiisadaha, iyo xasilloonida gobolka".
“Al-Qudus (Qudus) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta,” ayuu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Hissein Brahim Taha ku sheegay khudbad uu ka jeediyay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddiga fulinta ee Ururka OIC.
Brahim Taha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku nuux-nuux-saday: "Masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla Jerusalem waa meel gaar ah oo ay ku cibaadaystaan Muslimiinta".
Maalmihii la soo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay xiisada ka taagan dhulka Falastiin kadib markii ciidamada Israel ay xoog ku galeen dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee ku yaala bariga magaalada Quddus.
Askarta Yahuuda ayaa, sidda ay muujinayaan muuqaallo laga helay, waxay xoog uga saareen dadkii ku cibaadeysanayay labo habeen oo xiriir ah maalmihii Talaadada iyo Arbacada.
Duulaanka ay Israa’iil ku qaaday masjidka ayaa sababay in gantaallo laga soo tuuro marinka Qaza iyo Lubnaan, iyadoo Israa’iilna ay dhankeeda kaga jawaabtay duqeymo xagga cirka ah.
Israa'iil ayaa waxay qabsatay bariga Quddus intii uu socday dagaalkii Carabta iyo Israa'iil ee 1967-kii. 1980-kii waxay la wareegtay magaalada oo dhan, taasoo aan beesha caalamku marna aqoonsan.
GAROWE ONLINE