Waaran soo qabasho oo loo jaray siyaasi gubay Kitaabka Qur'aanka

Image
Rasmus Paludan ayaa tiro labo jeer ah u gufay Kitaabka Qur'aanka Kariimka iyo Muslimiinta.

LONDON, Britain - Sweden ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo isaga oo maqan, siyaasiga garabka midig ee haysta dhalashada Danish iyo Swedish, Rasmus Paludan, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah oo soo xiganaysa illo wareedyo labada dhinac ah.

Sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee Aftonbladet, Xafiiska dacwad-oogaha magaalada Malmo ayaa soo saaray warqad lagu soo xirayo Paludan oo lagu tuhmayo "dambiyo dhowr ah".

Paludan ayaa dhowr bilood ka hor waxaa lagu sameeyay baaritaan salka ku haya in uu sameeyay "kicinta koox dad ah, aflagaado iyo weerar qaawan oo ka dhan ah sarkaal".

Isaga oo la hadlayay joornaalka Paludan ayaa ku andacooday in "Booliska Sweden guud ahaan iyo gaar ahaan booliska Malmo aysan dooneyn inay i difaacaan, sidaa darteed ay khatar igu tahay inaan imaado Sweden".

Paludan ayaa ku gubay nuqul ka mid ah qur’aanka kariimka ah afaafka hore ee safaarada Turkiga ee Stocholm bishii Janaayo isaga oo ay ilaalinayaan booliska isla markaana ogolaansho ka haysto dowladda Sweden.

Todobaadkii xigay ayuu mar kale kitaabka qur’aanka kariimka ah ku gubay afaafka hore ee masaajid ku yaala Denmark, taasi oo keentay in dalal badan oo Muslimiintu ku badan yihiin ay si weyn u dhaleeceeyaan.

Rabshado ayaa ka dhacay magaalooyinka Malmo, Norrkoping iyo Jonkoping iyo sidoo kale magaalada caasimadda ah ee Stocholm, halkaas oo ay ku waxyeeloobeen 125 baabuur oo boolisku leeyahay, waxaana ku dhaawacmay 34 askari, halka 13 qofna xabsiga la dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM