Weerar lagu qaadey xarun ay leeyihiin dariiqo ka tirsan Shiicadda

Image
Labo qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen falkan oo mindi loo adeegsaday.

LISBON, Portugal - Labo qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen weerar mindi loo adeegsaday oo Talaadadii lagu qaaday xarun dariiqada Shiicada Ismaili ku leeyihiin magaalada Lisbon.

Booliska Boortaqiiska ayaa sheegay in ay toogasho ku dhaawacay ninka weerarka geystay oo watay mindi weyn, kadib markii uu ka dhaga adeegay amarkooda ahaa in uu joojiyo weerarka.

Dambiilaha ayaa dhaawaca kadib waxaa la dhigay isbitaal kahor inta aan xabsi loo taxaabin. Labada qof ee la dilay ayaa ahaa dumar, sidda laga soo xigtey warbaahinta RTP.

Mid kamid ah haweenka, oo 49-sano jir ah, waa maareeyaha Aga Khan Foundation oo caawiya qaxootiga Portugal. Haweeneyda kale waa 24-sano jir kamid ah mutadawiciin ah xarunta.

Ra'iisul Wasaaraha Portugal Antonio Costa oo hadal soo saarey ayaa muujiyay sida uu u garab taagan yahay una tacsiyeynayo bulshada Ismaili iyo qoysaska dhibanayaasha.

Xarunta Ismaaciilli ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in aysan wax war ah ka haynin sababaha keenay weerarka, waxayna tacsi u dirtay ehellada dadkii ku dhintay weerarkaas.

Ismaili, oo ah dariiqo ka tirsan Shiicada laanta Islaamka, ayaa soo ifbaxday geeridii Imaam Jacfar Al-Saadiq 765-kii. Waxa lagu qiyaasaa 12 ilaa 15 milyan oo reer Ismaaciil ah oo ku nool in ka badan 25 waddan oo adduunka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM