Xajkii ugu balaarnaa taariikhda oo ka bilowday Sacuudi Carabiya

Image
In ka badan 2.5 milyan oo Muslimiin ah ayaa la filayaa inay ka qaybqaataan gudashada acmaashan.

RIYADH, Saudi Arabia - Siyaarada xajka ayaa si rasmi ah u bilaabatay Axadii iyadoo dad badan oo muslimiin ah oo soo xirtay khamiisyo cadcad ay ku hareereysan yihiin Kacbada barakeysan.

Siyaarada sanadlaha ah ayaa ka bilaabatay magaalada Mecca ee dalka Sacuudiga iyadoo la guda galay tawaafada, wareegtada kacbada, iyadoo la filayo in la jebiyo rikoorka xajka.

"Sanadkan, waxaan goobjoog ka noqon doonaa xajkii ugu ballaarnaa taariikhda," ayuu yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga.

In ka badan 2.5 milyan oo Muslimiin ah ayaa la filayaa inay ka qaybqaataan, maadaama xannibaadaha faafa ee coronavirus ee jira tan iyo 2020 si buuxda loo dejiyay.

Sannadkaas, kaliya 10,000 oo qof ayaa loo oggolaaday inay ka qaybqaataan; halka 59,000 loo fasaxay sanadka 2021; sanadkii horena waxaa loo ogolaadey hal milyan oo qof.

Mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa xusay in in ka badan 32,000 oo shaqaale caafimaad ah iyo kumanaan ambalaas ah ay heegan u yihiin xaaladaha kulaylka, fuuqbaxa iyo daalka.

Xajka sanadkan waxaa caqabad ku noqdey kulaylka, ku dhawaad ​​​​45-degree-Celsius kulayl, sidda ay muujineyso saacada ku xiran Kacbadda taas oo ah markii ugu badneyd guud ahaan sooyaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Guud ee UN-ka oo ansixiyey lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka

Sweden iyo Denmark ayaa waxa ay xudun u noqdeen weerarada ka dhanka ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka.

  • Islam

    26-07-2023

  • 03:14AM

UN-ka oo digniin culus kasoo saarey gubida Qur'aanka Kariimka

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa dhowaanahan laga soo wariyey beegsi ka dhan ah Muslimiinta.

  • Islam

    19-07-2023

  • 03:36AM