Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Dalabka Erdoğan ee Dhexdhexaadinta Xalka Dagaalka Suudaan… Labo Waji oo Isla Lacag Ah
Dunida Carabta iyo Afrika waxay hadda la kulmeysaa hirar cusub oo tartan caalami ah oo u dhexeeya quwadaha waaweyn, gaar ahaan meelaha muhiimka ah ee istiraatiijiga ah sida Geeska Afrika iyo Badda Cas. Faransiiska iyo Turkiga ayaa hormuud u ah dalalka doonaya inay xoojiyaan saameyntooda deegaankan, iyagoo adeegsanaya siyaasad, dhaqaale, iyo awood milateri. Suudaan, oo ku jirta marxalad kacsan oo siyaasadeed iyo amni, ayaa noqotay xudunta tartankan, halkaas oo labada dal ay isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan arrimaheeda gudaha iyagoo adeegsanaya siyaabo kala duwan. Maqaalkaan, waxaan ku eegaynaa dhinacyada fara-gelinta Faransiiska iyo Turkiga ee Suudaan iyo saameynta ay ku leedahay xaaladda siyaasadeed ee gobolka.
Saamaynta Faransiiska oo u gudbaysa Geeska Afrika
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, wuxuu go’aansaday inuu booqdo Jabuuti, halkaas oo ay ku taallo saldhigga milateri ee ugu weyn Faransiiska, si uu ciidanka halkaas jooga ula dabaaldego Kirismaska. Intaa kadib, wuxuu u sii jeeday Itoobiya oo xuduud la leh Suudaan, halkaas oo Faransiisku doonayo inuu xoojiyo saameyntiisa aagga istiraatiijiga ah ee muhiimka ah ee ku teedsan Badda Cas. Sidoo kale, waxay raadinayaan marin cusub oo ay ku taageeraan kuna qalabeeyaan ciidamada taageerada degdegga ah ee Suudaan (RSF).
Faransiiska, oo uu hoggaaminayo Macron, wuxuu ku dadaalayaa inuu dib u soo ceshado saameyntiisa qaaradda Afrika, isagoo xoojinaya joogitaankiisa Geeska Afrika iyo Badda Cas. Suudaan waxay sidoo kale udub-dhexaad u tahay istiraatiijiyaddaas, halkaas oo Faransiisku uu taageero ciidan iyo siyaasadeed siinayo ciidamada RSF si uu u gaaro dantiisa. Warbixino ayaa tilmaamaya in Faransiisku, oo kaashanaya Imaaraadka Carabta, uu hub siiyo ciidamada RSF si loo xoojiyo awoodooda milateri ee ka dhanka ah ciidanka qaranka Suudaan. Sidoo kale, Faransiisku wuxuu taageeraa Raysal Wasaarihii hore ee xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee Suudaan, Cabdalla Xamduuk, iyo ururkiisa “Taqaddum,” si loo dhiso dowlad rayid ah oo aqoonsi caalami ah hesha.
Faransiiska wuxuu ku tiirsan yahay iskaashiyo istiraatiijiyadeed oo uu la leeyahay dalal sida Imaaraadka Carabta, oo saameyn weyn ku leh gobolka. Sidoo kale, Faransiisku wuxuu qorsheynayaa inuu xoojiyo joogitaankiisa milateri ee Badda Cas, isagoo tababaraya ciidamada badda ee Itoobiya iyo inuu ciidamadiisa ku daabulo meelo muhiim ah sida Jabuuti iyo Jasiiradda Socotra. Tallaabooyinkan waxay ka tarjumayaan himilada Faransiiska ee ku aaddan inuu yeesho saldhig joogto ah oo Badda Cas ah, iyo inuu ilaaliyo danihiisa dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka.
Fara-gelinta Turkiga ee Suudaan
Dhinaca kale, Turkiga oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, wuxuu doonayaa inuu saameyntiisa ku ballaariyo Geeska Afrika, isagoo ku gambanaya “dhexdhexaadinta siyaasadeed” iyo iskaashiga goboleed. Turkigu wuxuu horey uga soo shaqeeyay inuu dhexdhexaadiyo xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana hadda si firfircoon uga shaqeynayaan inay dhexdhexaadiyaan colaadda u dhaxaysa ciidanka qaranka Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdulfataax Al-Burhaan iyo ciidamada taageerada degdegga ah ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Daglo (Xemidti). Fara-gelintan Turkiga waxay ujeedadeedu tahay in la gaaro faa’iidooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo waqti dheer ah oo Suudaan iyo gobolka ah.
Turkigu wuxuu leeyahay taariikh xiriir dhow oo uu la leeyahay Suudaan, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay damac gumeysi. Wuxuu horay ula saxiixday heshiisyo dhaqaale iyo milateri, isagoo ku beddelanaya inuu ku yeesho saldhig ciidan badeed oo ku yaalla Sawaakin, oo ku teedsan Badda Cas. Markii uu dagaalka gudaha ee Suudaan qarxay, qorshihiisa si ku meel gaar ah ayuu u fashilmay, laakiin wuxuu uga faa’iidaystay firaaqada siyaasadeed, isagoo beesha caalamka u muujiyay inuu yahay dhexdhexaadiye diblomaasi ah oo aan wax damac ah lahayn. Isla mar ahaantaas, Turkigu wuxuu doonayaa inuu ku tartamo Faransiiska iyo Imaaraadka Carabta ee Badda Cas, isagoo xoojinaya iskaashi uu la yeesho dalal sida Itoobiya iyo Soomaaliya. Tartankan wuxuu ka tarjumayaa isbeddelka xiriirrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed, iyadoo dalalka Afrika ay noqdeen goob tartan oo u dhexeysa quwadaha caalamiga ah.
Xaaladda Suudaan ee Xasaasiga ah
Iyadoo tartankan caalamiga ah uu sii xoogeysanayo, Suudaan waxay ku jirtaa xaalad adag oo ay isku dhex milmeen danaha caalamiga ah iyo colaadaha gudaha. Xaaladda Suudaan waxay u baahan tahay xal dhammaystiran oo waara oo ka yimaada gudaha, oo ka madax-bannaan fara-gelinta dibadda ee laga yaabo inay sii adkeyso xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka. Islamar ahaantaas, Geeska Afrika iyo Badda Cas waxay sii ahaanayaan goobaha ugu muhiimsan ee muujinaya hardanka saameyn raadinta ee u dhexeeya quwadaha caalamka, taas oo ka dhigaysa meel had iyo jeer xiiso ku leh siyaasadda caalamiga ah. Waxaana xaqiiqo ah in fara-gelinta Faransiiska iyo Turkiga ee arrimaha Suudaan ay yihiin labo waji oo isla lacag ah.