​12 qof oo ku dhintay Weeraro ka dhacay Tehran

Image

Weerarro mataano ah ayaa lagu qaaday baarlamaanka Iiraan iyo qabriga aasaasihii Iiraan ee Khomeini oo ku yaalla caasimadda Tehran.

Waxaa la xaqiijiyay in ilaa iyo 12 qof ay ku dhimatay labada weerar.

Weerarka baarlamaanka ka dhacay ayaa la sheegay in la soo gabagabeeyay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dad afduub loogu haystay gudaha baarlamaanka.

Qof is qarxiyay ayaa la sheegay inuu ku dhintay weerarka ka dhacay dhismaha uuku yaalla qabriga.

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo haddii la xaqiijiyo noqon doono weerarkii ugu horreeyay oo kooxdu ay ku qaaddo Iiraan.

Kooxda ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay ku sheegtay inay soo duubeen dagaalamayaasheeda oo ku jiray gudaha baarlamaanka.

Wakaaladda wararka ee Iiraan ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday uu is qarxiyay mid kalana ay xoogagga ammaanka dileen.

Dhowr qof oo booqnayay qabuuraha oo ah goobo macbad ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.

BBC

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM