​17 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay Burkina Faso

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Weerar loo malaynayo inay fuliyeen koox Jihaad doon ah ayaa ka dhacay magaalo madaxda waddanka Burkina Faso ee Ouagadougou, waxaana ku dhintay in kabadan 17 qof sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga booliiska waddankaas.

Saddex qof oo ku hubaysnaa qoryahah fudud ayaa rasaas ooda uga qaaday macaamiil fadhiday bannaanka hore Meherad lagu magacaabo Aziz Istanbul restaurant oo ku taalla bartamaha magaalada Ouagadougou.

Dadka dhintay ayaa u badnaa macaamiishii goobta fadhiday iyadoo sidoo kale ay dhaawacmeen toboneeyo kale.

Bartamaha magaalada ayaa waxaa xiray ciidamada, safaaradda Mareykanka ayaana uga digtay muwaaddiniinteeda inay ka fogaadaan goobtaasi.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo yimid labo sano kadib markii koox Jihaad doon ah Makhaayad ku taalla bartamaha magaaladaas lagu dilay 30 qof.

Burkina Faso, waxay kamid tahay waddamada ku yaalla Galbeedka Africa halkaasoo inta badan ka dhacaan weerarada ay fulinayaa kooxaha Jihaad doonka ah ee kasoo tallaabadaya Sahel.

Weeraro tiro badan ayaa ka dhacay Waqooyiga fog ee dalka Burkina Fasao gaar ahaan gobollada ku yaalla xuduuda ay la wadaagaan Maali.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM