25 qof oo ku dhimatay duufaan ku dhufatay dalka Filibiin
MANILA, Philippine - Ugu yaraan 25 qof ayaa ilaa hadda ku dhintay dhul go’ iyo daadad ka dhacay dalka Filibiin kadib markii duufaanta lagu magacaabo Tropical Megi ay ku dhufatay dalkaasi.
Shaqaalaha badbaadada ayaa wali la halgamaya soo saarista dadka ku go’doonsan xeebaha bari iyo koonfurta. Duufaanta Megi ayaa Axaddii ku dhufatay jasiiradaha dalkaas iyadoo dabaylaha ay ku soconayeen xawaaro dhan illaa 65km saacaddii.
Tani ayaa noqoneysaa duufaantii ugu horreysay ee sanadkan iyadoo la sheegay in celcelis ahaan ay dalka Filibiin ka dhacaan 20 duufaan sanadkiiba.
In ka badan 13,000 oo qof ayaa u qaxay goobaha sare ee dhulka, waxaana duufaanta weheliyay roobab mahiigaan ah oo dabeylo watay kuwaas oo jaray korontadii, waxaana daad qaaday guryihii iyo beerihii iyagoo sababay dhul go’.
Sawiro ay maamulka iyo dadka deegaanka ku wadaageen baraha bulshada ayaa muujinaya samatabixiyeyaasha oo dhex mushaaxaya dhul dhoobo leh, waxa ayna wateen doomo dheereeya iyagoo isku dayaya in ay si deg deg ah u gaaraan dadka go’doonsan.
Meelaha sida aadka ah ay u saameysay duufaanta waxaa ka mid ah gobolka Leyte oo laga helay meydadka 22 qof kadib markii ay ku aasmeen dhul go’ay, sida ay sheegeen maamulka deegaanka ee magaalada Baybay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa yiri, "Waan ooyay, sababtoo ah waxaan ogaa dadka meeshaas ku aasan, sidoo kale waan baqay sababa la xiriira in ay jiraan buuro gurigeena ka dambeeya."
Hay’adda masiibooyinka qaranka ayaa sidoo kale xaqiijisay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen gobolka Davao ee koonfurta dalkaasi. Tani ayaa kusoo beegmeysa afar bilood ka dib markii duufaantii Super Typhoon ay ku dhufatay jasiiradaha koonfurta bari ee dalka iyadoo dishay 375 qof ayna saameysay 500,000 oo qof.
Waxay ahayd duufaantii ugu xumayd ee sanadkaas ku dhufata Filibiin waxeyna khubaradu sheegeen inay aad ooga xoog badnayd sidii la filayey.
Saynisyahanadu ayaa sheegay in isbedelka cimilada ee bini’aadamka keenay ay saameen ku yeesheen awoodda iyo soo noqnoqoshada duufaanada.
Filibiin ayaa lagu qiimeeyay dalka ugu nugul masiibooyinka isbedelka cimilada sababa la xiriira halka ay juquraafiyad ahaan ku taalo.
GAROWE ONLINE