250 qof oo ku dhintay masiibo ka dhacday Colombia

Image

Masiibo xoog leh ayaa lagusoo waramayaa inay ka dhacday magaalada Mocoa ee Koonfurta dalka Colombia, kadib markii ay dhoobo ku habsatay halkaas.

Waxaa la xaqiijiyay geerida 250 qof, halka ay dhaawacmeen 400 oo kale.

Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa ku howlan sidii ay u samatabixin lahaayeen dadkaas.

Waxaa ilaa hadda an lahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen dad lagu qiyaasay 200 oo qof.

Masiibadan ayaa dhacday kadib markii magaaladaas ay ka da’ayeen roobab laxaad leh.

War kasoo baxay Milatariga dalkaas iyo kooxaha gurmadka ayaa lagu sheegay inay tahay arrintan mashaqo ka dhalatay cimilada oo aad u xun.

Madaxweynaha dalkaasi Columbia Juan Manuel Santos ayaa halka ay mussiibada ka dhacday kaga dhawaaqay xaalada deg deg ah.

Wali waxaa socda baaritaano iyo samatabixin xoog leh oo lagu bad-baadinayo dadka dhibku soo gaaray.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinaya dhoobo buuraha le’eg oo xirtay waddooyinka muhiimka ah, halka daadad ah biyo iyo dhoobo is-wata ay marayan togag ay ka samaysteen gudaha magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM