30 qof oo Soomaali ah oo ku dhintey duqeyn ka dhacdey Yemen

Image

April 28, 2015 (GO)- Ugu yaraan soddon qof oo Soomaali ah ayaa ku geeriyoodey duqeyn ka dhacday duleedka magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Dadkan oo u badnaa dumar iyo carruur ayaa horay uga qaxay Cadan waxayna muddo kooban ku sugnaayeen xerada qaxootiga Al-qaras oo qiyaastii 120km magaaladaas u jirta.

Axmed Cabdi Aadan oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan Yemen ayaa BBC-da u sheegay in dadka la duqeeyey oo saarnaa labo gaari ay duqeysey diyaarad ka tirsan isbhaysiga Sucuudiga, xilli ay kusii wajahnaayeen Cadan.

Waa markii ugu horreysey ee tiro intaa le'eg oo Soomaali ahi ay ku dhintaan dagaallada ka soconaya Yemen.

In ka badan labo kun oo qof oo kasoo cararay Yemen ayaa afartii todobaad ee ugu dambeeyey soo gaarey Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM